Ciyaaraha Olympics Oo Si Rasmi Uga Furmay Magaalada Rio de Janeiro Ee Dalka Brazil.

0
Sunday August 07, 2016 - 09:45:57 in by salman abdi
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaraha Olympics Oo Si Rasmi Uga Furmay Magaalada Rio de Janeiro Ee Dalka Brazil.

    Habeenimadii xalay waxaa si rasmi ah u furmay ciyaaraha aadka loo xiiseeyo ee Olymibakada, Ciyaaraha oo sanadkan ka dhacaya magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habeenimadii xalay waxaa si rasmi ah u furmay ciyaaraha aadka loo xiiseeyo ee Olymibakada, Ciyaaraha oo sanadkan ka dhacaya magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil

 ayaa xafladdii furitaanku ahayd mid lagu soo bandhigey dhibaatada ka dhalatey isbedelka cimilada, qoobka ciyaarka ay caanka ku yihiin reer Brazil ee Samba iyo fantaasiyo kale.

RIO DE JANEIRO, BRAZIL - AUGUST 5, 2016: Fireworks go off over the Maracana Stadium during the opening ceremony of the Rio 2016 Summer Olympic Games. Valery Sharifulin/TASS (Photo by Valery SharifulinTASS via Getty Images)

Madaxweynaha ku-meelgaarka ah ee Brazil Michel Temer ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in ciyaarihii ugu weynaa ee Koonfurta Amaeerika lagu qabto ay furan yihiin, iyada oo dalkaasi ay ka taagan tahay dhibaato siyaasadeed, ayaa Madaxweynaha waxa ku ooryey Dadweynihii fadhiyey garoonka Maracana Stadium.

Xafladdii iyo fantaasiyihii furitaanka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigey Tiknoolajiyad ka hooseysa kuwii ka horeeyey ee Bakiin 2008 iyo London 2012, iyada oo dalka Brazil la daalaadhacayo dhaqaale xumo ayaa awoodda lagu saarey waxyaabaha ay caanka ku yihiin, ilaalinta cimilada adduunka iyo beeraha, webiga Amazon iyo taarikhdii Addoonsiga.

Markii u horeysey waxaa ciyaaraha ka qaybgalaya koox ku socotada Magaca Qaxootiga adduunka, waxaana ay furitaankii ciyaaraha ku soo galeen iyaga oo wata Calanka Olympic ee goobaha leh.

Shucladda Olibikada oo dalalka Aduunka oo dhanla soo mariisyey ayaa ugu danbeyntii waxaa dabka shiday orodyahanka reer Brazile Vanderlei Cordeiro.

Ciyaaraha olibikada waxaa sandkan Soomaaliya uga qaybalaya ciyaaryahano aad u yar oo ay soo xuleen guddiga Olimbikada kuwaas oo ka qaybgalaya orodka dheer. Soomaaliya ayaan lahayn tartamo ciyaaraha fudud ah, taas oo laga soo dhex saari karo ciyaaryahano wanaagsan, kuwii Sanadkii 2012 u saftey Soomaaliya ee magaalada London ayaa halkaas iska dhiibey oo magangelyo weydiistey, Waxaase xusid mudan in ay tahay wax lagu farxo in Calanka Soomaaliyeed la geeyo halka beesha caalamka oo dhan ay ku tartameyso.

Ciyaarahan ayaa socon doona 15 Maalmood waxaana la so xidhi doonaa 21 Agoosto 2016.