
Madaxweyne kuxigenka JSL oo ka hadlay Qado sharaf loo sameyey Ergooyinkii Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo lagu shaacinayey Dib u dhigista Shirweynaha
oo ka tisan Golaha Dhexe, waxaana lagaga dhawaaqay in Xisbigu aqbalay dhex dhexaadinta Golaha Guurtiddu ka dhex wado Xisbiga.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay madasha qado sharafta ahayd ayaa sheegay ujeedada ay isugu yimaadeen in ay tahay Casuumad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidiyey xubnaha Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Hogaanka, kuwaasoo Caasimada u yimi inay ka qayb qaataan shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaasoo uu sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay Golaha Guurtidda xalinta khilaafka ka dhex jia Xisbiga.
C/raxmaan Saylici waxa uu madasha ka sheegay in Xubnihii Golaha Dhexe oo dhan 257 ku sugan yihiin Qado sharafta, labaataneeyo ka mid ahina hawlo shaqo ugu maqan yihiin Dibeda, waxaanu sheegay inay taasi muujinayso Xisbigii Kulmiye in uu ku dhan yahay madasha.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan C/raxmaan Talyanle oo ka hadlay munaasibada Xisbiga Kulmiye ku marrtiqaaday xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ayuu ku sheegay in uu ka mid ahaa wefti Dalka Ingiriiska ku sugnayd oo doonaysay awlo qaran in ay ugu baxaan dalal kale, balse markii khilaafka Xisbiga ay maqleen ay soo gaabiyeen socdaalkoodii, isagoo tilmaamay madashan in uu ku arko in aanu Xisbigii u kala maqnayn.
Talyanle waxa uu Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin ugu baaqay in ay talada Xisbiga dib ugu soo noqdaan oo ay kala qayb qaataan, isla markaana ku soo laabtaan xayndaabka Xisbiga.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka hadlay madasha lagu sameeyey qado sharafta ayaa sheegay in balantu ahayd in maanta uu qabsoomo shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigu balse ay talo ahaan qaateen soo jeedintii Madaxweynaha ee ahayd in la sugo Ergada Golaha Guurtidda, taasoo uu ku tilmaamay in ay qaadan doonto maalmo kooban, isagoo xubnaha Golaha Dhexe kula dar-daarmay inaanay fogaanin ee ay sugaan dhawaaqa danbe ee la isugu yeedhi doono.
Xildhibaan C/lahi Balaaki oo ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe iyo guddida qaban qaabada shirka Golaha Dhexe ayaa liisaska Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe-ba mid mid uga akhriyey qado sharafta.
Dhinaca Kale waxaa iyadu qado sharaftan aan ka soo xaadirin Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Madaxweyne kuxigenka JSL oo ka hadlay Qado sharaf loo sameyey Ergooyinkii Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo lagu shaacinayey Dib u dhigista Shirweynaha
Kulan qado sharaf ah oo uu guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Isaamciil Saylici ayaa ka dhacay Hotelka Ambassador kaas oo ay ka soo qayb galeen 267 xubnood