Neymar Oo Ku Dhawaqay Inuu Iska Casilay Kabtanimada Xulka Brazil Kadib Guushii Olympic-ada Aduunka

0
Sunday August 21, 2016 - 10:17:53 in by Burco Office
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar Oo Ku Dhawaqay Inuu Iska Casilay Kabtanimada Xulka Brazil Kadib Guushii Olympic-ada Aduunka

    Hogaamiyahii xulka Brazil Neymar Junior ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka kabtanimo ee qarankiisa kadib guushii dahabiga aheyd oo uu xalay u hogaamiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyahii xulka Brazil Neymar Junior ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka kabtanimo ee qarankiisa kadib guushii dahabiga aheyd oo uu xalay u hogaamiyay.


Brazil ayaa ku guuleystay taariikhda markii ugu horeysay bilada dahabka tartanka Olympic-ada Aduunka dhanka kubadda cagta Ragga markii wiilasha uu hogaaminayay Neymar ay rigooreyaal kaga qaaden dhigooda Jarmalka kulan ku dhamaaday barbardhac waqtigii loogu tala galay.


Si kastaba, guushii xalay kadib ayuu Neymar Jr ku dhawaaqay inuusan sii xirnaan doonin calaamada hogaanka Brazil isagoo rajeynaya in tababare Tite uu doorto badalkiisa.

"Uma qaadin masuuliyadaan si cadaadis, waa adiga (Saxaafadda) waxa sidaa yiri” Ayuu yiri Neymar Jr oo la hadlayayTV Globo,"Balse maanta anigoo guuleyste ah, waxaan iska dhigayaa kabtanimada, waan ku faraxsanahay inaan helo, waxeyna ii tahay sharaf midaas, balse maanta, waan ka tagayaa, Tite wuxuu dooran karaa hogaamiye Kale” ayuu yiri Neymar Jr mar kale.

Da’yarkaan reer Brazil ayaa loo doortay hogaamiyaha Brazil markii ugu horeysay September 2014 markaas oo uu xulka gacanta ku hayay Dunga, kama qeyb galin tartankii Copa America, balse isagoo hogaamiye ah ayuu markii ugu horeysay taariikhda Brazil bilad dahab ah usoo hoyay.