Isuduwaha Wasaradda Cafimadka Gobolka Saaxil oo ka jawabay Warbixin lagu Dabay Shebkedaha oo ka hadlay Xaaladda Cisbitalka iyo Wasaradda Cafimadka Gobolka Saaxil

0
Tuesday June 03, 2014 - 12:08:57 in by Super Admin
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isuduwaha Wasaradda Cafimadka Gobolka Saaxil oo ka jawabay Warbixin lagu Dabay Shebkedaha oo ka hadlay Xaaladda Cisbitalka iyo Wasaradda Cafimadka Gobolka Saaxil

    Madaxa Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr Sare Abdirahim A Dualeh ayaa si hufan, oo qoto dheer oo kooban uga jawaabay maqaal uu warbaahinta internetka ku qoray nin sheegtay inuu Dr yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr Sare Abdirahim A Dualeh ayaa si hufan, oo qoto dheer oo kooban uga jawaabay maqaal uu warbaahinta internetka ku qoray nin sheegtay inuu Dr yahay
	


waxaana Dr Abdurahim hal hal u qaada dhigay doorka iyo waxqabadka
xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay ka geysatay
horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka saaxil iyo sida wasiirka
wasaarada caafimaadku ugu hagar baxay gacansiinta Caafimaadka guud
ahaanba gobolka saaxil, sidoo kale waxaa diktoorku faahfaahin dheeri
ah ka bixiyey oo daaha ka qaaday heerka uu maanta marayo caafimaadka
gobolku iyo horumarka shacabku maraga u yahay ee uu gaadhay mudadii uu
xilka hayey Dr Abdurahim, isagoo shakhsiga maqaalkaasi qoray si
khibrad, aqoon iyo kalsooni ku dheehan tahay u hoga tusaaleeyey
waxyaabaha waxba kama jiraanka ah ee loogu sheekeeyey ee shakhsigaasina
hubsiimo la,aan la haf yidhi, waxaanu qoraalka Dr Abdurahim u dhignaa
sidan.


Aad iyo aad ayaan kaaga mahadcelineynaa inaad ila wadaagto wixii aad
ku aragtey labada xarumood,l intii aad ka aragtey wakhtigii aad ku
sugneyd wadankeena Hooyo ee Somaliland .

"Run ahaantii Xukumadan uu hogaaminayo Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo
iyo Wasaarada Caafimaadkuba oo uu maanta madaxa u sareeyaa yahay Dr
Suleyman Ahmed Ciisa , ahmiyad weyn ayay siiyeen sidii kor loogu qaadi
lahaa adeegyada Caafimaadka ee gobolka Saaxil , wuxuuna suurtogaliyey
Wasiirkii hore ee Caafimaadku Dr Xussein Muhumed Mohamed uu gobolka ka
bilaabey sannadkii 2011 mashruuca Xidhmooyinka Caafimaadka Asaasiga
Muhiimka ah (Essential package of health system), taasina waxay
keentey in adeegyadii caafimaadka ee gobolka kor loo qaado, lana
kordhiyo xarumaha adeegyada Caafimaadka fidiya.

Waxay Gobolka ka yegleelan 25 xarumo caafimaad oo maanta shaqeynaya ,
tayadoodana kor loo qaadey, kana hawlgalaan hawl wadeeno Caafimaad oo
wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba ka soo baxay.

Hadaan u soo noqdo arinta Cisbitaalka Sheikh eed i xasuusineyso, waxa
isugu keen dambeysey Wakhti dheer oo ku beegnaa Xagaagii hore , markii
xafiiiska Caafimaadka Gobolku uu ahaa Cisbitaalka Caafimaadka Maskaxda
Berbera Dabadiisa , taas oo uu ahaa dhismahaasi mid ku kiro ahaa
maamulka caafimaadka Gobolka,, runtii wakhtigaas wey jirtey in
Roobabkii ka da'ay gobolku sababtey in uu darooro wakhtigaas,, lakin
sidaad la socoteyba waxaan arinkaas u gudbiney wasaarada caafimaadka
iyo Maamulka gobolka saaxil oo u horeeyey Gudoomiyihii Gobolka Saaxil
Ali Mohamed Elimi, Taas oo lala xidhiidhey Shirkadii markii hore
dhistey cisbitaalkaas, iyagiina ay balan qaadeen iney wax ka qaban
doonan dhismaha Cisbitaalka maadaama u yahay dan guud oo dadweynuhu u
simanyahay.

Waxayna ku guuleysteen in ay dayactir ku sameeyeen dhamaan dhismaha
sare ee Cisbitaalka.. maantana roobabkii da'ay ma daroorin dushii sare
cisbitaalku...taana waxay ku timid qorshayaasha maamulka Caafimaadka
Gobolka oo ay iskaashanayaan Guddida firfircoon ee Degmada Sheikh ay
leedahay.

Waxaan cisbitaalka loo dhisey farmasigii oo bilic ahaan iyo dhismo
ahaanba kor loo qaadey , iyadoo loo dhameystirey adeegyadii
Shaybaadhka oo kharash badan ku kacay....intaas waxa dheer in
Cisbitaalka Sheikh lagu rakibey Solar system ah 9 kw taas oon rajo
weyn ka qabno in adeegyada aan ka fidino xaruntu ay balaadhin doonan
xili kastana la heli karo.. Waxa dib u dhis lagu sameeyey Tiyaatarka
Qaliinka iyadoo qalab tayadiisu sareyso lagu qalabeyn doono bishan soo
socota.... Intii aad wadanka ka soo maqneyd waxa magaalada la geliyey
Laydh ay leedahay Shirkada BADAR oo shaqeyneysa 24 saacadoodba , taas
oo laydhka u geliyey cisbitaalka, cisbitaalkuna ugu deeqeen shidaalkii
ay ku shidi jireen mishiinka cisbitaalka.

Waxa maanta cisbitaalka ka hawl gala 3 dhakhtar ,oo laba kamidi ay
yihiin Ajaanib, ku takhasusey xanuunada Haweenka (Gyneocology and
obstetrics ) iyo qaliinka Guud(General Surgery) , taasina waxay kor u
dalacdey dadweynihii isticmaalayey adeegyada cisbitaalka, waxayna
diiwaanka cisbitaalku muujinayaa in qaliinka looga yimaado markii la
arkey jabnaantiisa ilaa GAASHAAMO , maantana cisbitaalka waxa lagu
sameeyaa qaliimo aan gobolkaba laga sameyn jirin sannadihii hore, ..

Waxa sanadkan qorshaha ugu jira cisbitaalka Degmada sheikh in la
kordhiyo shaqaalaha oo maanta ah , 44 qof , si loo dhameystiro dhamaan
shuruudaha cisbitaal degmo uu leeyahay.

Waxaan dareensanahay in aan wax weyn ka qabanay adeegyada Caafimaadka
Cisbitaalka Sheikh ,korna u qaadney bilicda iyo nidaamka ururinta
irbadaha oo hab cad oo badbaado loo jideeyey, waxaanan ogsoonahay in
aan horumarku maalin iyo lababa aanu ku iman ee u baahanyahay Takhdiid
dejisan oo sannado badan ah.

Maamulka Gobolka Saaxil wey caawiyaan Caafimaadka Gobolka ha ugu
horeeyaan Dekeda, Dowlada Hoose ee Berbera iyo Xafiiska Gudoomiyaha
Gobolka iyo gudida Caafimaadka Gobolka Saaxilba.

Waxa kaa muuqda Gardaro iyo Gef aad nagula kacayso oo aad usoo
badheedhey , adigoo aqooon wanaagsan ii lahayn... Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Anagaa Dooraney, waana Madaxweynaha wadanka u
hayaamiyey hab iyo hanaan wax lagaga bedalayo dhinac kasta oo arimaha
bulshada ah , kana marag kacayaan horumarka uu dalka gaadhsiiyey
indhihii saliimka ahi... Madaxweynuhu Cisbitaalka sheikh Isagaa furey
, bixiyeyna kharashkii u horeeyey ee lagu hirgelinayey hanaan
socodkiisa.. Dadka reer sheikh iyo maamulka Gobolkuna abaal weyn ayay
ugu hayaa, talaabada lagu dhiiradey in cisbitaalkan la furo..

Waxa weli maskaxdeyda ka dagi la , qaybo kamida qoraalkaaga oo
qoosimaad leh,, Arimaha Caafimaadka Gobolkana waxa masuul ah,
masuuliyiin kala sareeya oo min heer tuulo, degmo , ilaa gobol
leh.................Marwalbana anagu waxaan nahney rag ku xidhan
madaxda gobolkayaga taasina waa ta noo sahashey horumarka balaadhan ee
xaga caafimaadka ah ee ka jira Gobolka.

Qaafkan aad soo qortey wuu kaa qaldamey inadeerow.... una meel dayo
hadaladaada .

Cidkasta oo ay daacad ka tahay waxay bulshadooda u qabanayaan , oo aan
ahayn qawleysato iyo kuwo qiiro gaabani hayso waanu soo dhaweyneynaa,,
dadka Diaspora ahina markasta wey caawiyaan Caafimaadka gobolka saaxil
, waanan ugu mahadnaqeynaa waxtarkooda muuqda ee ay ula heelan yihiin
dadkooda adeegyada caafimaad u soo doonayana xarumaha caafimaadka
Gobolka Saaxil.

DR Abdirahim A Dualeh
Sahil Regional Medical Officer

Berbera / Somaliland