Waa Musiibo Qaadku !!!!!!!!!!! W/Q: Nim'an Hussein Barkhad

0
Saturday August 27, 2016 - 18:09:09 in by salman abdi
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Musiibo Qaadku !!!!!!!!!!! W/Q: Nim'an Hussein Barkhad

    Qaadku waa waxyaabaha ina dishooday muddada dheer ee ilaa haddana wax xal ah loo helin sidii loo cidhibtirilahaa amaba dhibkiisa aynu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaadku waa waxyaabaha ina dishooday muddada dheer ee ilaa haddana wax xal ah loo helin sidii loo cidhibtirilahaa amaba dhibkiisa aynu

iskaga dulqaadi lahayn sidaas oo ay tahay waxaad arkaysaa isagoo xoogii dalkani lahaa meel xun la maraaya.


Maalin dhaweyd aniga oo suuqa dhex maraaya waxay ishu igaga dhacday nin da’a dhexaad aaan ku qiyaasay ,waxa uu sitay qaad aad u badan oo aan is idhi hadda ayuu koleyga ka soo iibsaday, wali aniga oo la yaaban ninkani qaadka intaa leeg siduu u cunidoono ayaan haddana arkay isaga oo gacanta midigna ku sita saanwiij socodkana ku cunaaya.

Waxay ii cadaysay in awooda qaadku dhexdeena ku leeyahay ay aad ubadan tahay,suurtogalna ayana ahayn wakhtiyada dhaw in dhibkiisa meesha laga saaro. Waxa la qabsaday cunistiisa waayeel badan iyo dhalinyaro badan, oo aad wakhtiyadan dambe moodaba in ay aad ugu sii badanayaan cunista qaadka.

Waxaan is weydiiyey imisa saacadood ayuu ku bixiyaa in uu qayilo oo uu meel fadhiyo, imise haleeli waayey in uu toban daqiiqadood meel fadhiisto oo cuntadaa iska dhamaysto ka dibna waxa uu qabsanayo qabsado.

Haddana waxaa maskaxdeyda ku soo dhacaday in aan ninkaniba u diyaar ahayn in uu cunto wakhti isaga bixiyo oo ay tahay wakhti lumis kana daahinayso in uu qaad u fadhiisto.

Haddii uu awoodi waayey inuu cuntadii naftisa u cunaayey wakhti siin kariwaayey ma kula tahay inuu cidna wakhti u helidoono uu kula sheekeysto sida caruurtiisa iyo ooridiisa , waxay ila tahay waa maya jawaabtu.

Ninka isaga oo qaad cuna haddana masuuliyad umadeed loo dhiibay caynkee u eekaanayaa, sow maaha maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd "ninka maqasha lagala quustay bay geela u diraan”. Iyada oo laga wada dheregsan yahay dhibta uu qaadku leeyahay haddana keena cuna iyo keena aan cuninba waxa uu ku reebay dhib weyn oo u baahan xal aan kaga badbaadno waayo waxa maddax u noqday xataa kii aan cunayn mid cunaaya qaad.

Taasina waxay sabab u noqotay in hawlo badani ay qabyo ka noqdaan dalka iyo dadba.Ninka madaxda ah ee qaadka cuna ma masuulbaa ileyn maba haleelo cidii ugu mudnayd in uu wakhti laqaato oo ku farxsan la joogiisa , side masuul kaaga noqon karaa nin aan naftiisaba daryeeli karini, oo ubadkiisa iyo ooridiisiiba qaad kaga maqan? Maxay tahay waxa uu nolosheena ku soo kordhin karo? Wakhtigiisa oo dhan waxa uu ku qaadanayaa qaad iyo qaadiro.

Waxaan aaminsnahay in ay tahay inaan nin qaad cuna masuul cidnaba ka noqon Karin, yahayna mudayac waana waxa la hadhay umdan mudda dheer.

Qaadku waa aafo biyo dhigatay dalkeena ay adag tahayna in xalkeeda hore loo helo, waxaan se kugu baraarujinayaa in aad cidii aad uga nasteexayn karto uga nasteexayso, adiguna ka fogaato oo aanad saaxiib la noqon cid cunta .



W/Q: Nim’an Hussein Barkhad.