Shacabkii la xasuuqay 1988kii oo lagu xusay magaalada hargaysa iyo Guddomiyaha Guddiga ku hawlan Baadhista xasuuqyadii Dalka ka dhacay oo Khudbad Qiiro leh ka jediyey

0
Wednesday June 04, 2014 - 16:15:44 in by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Shacabkii la xasuuqay 1988kii oo lagu xusay magaalada hargaysa iyo Guddomiyaha Guddiga ku hawlan Baadhista xasuuqyadii Dalka ka dhacay oo Khudbad Qiiro leh ka jediyey

    munaasibada loo sameyey xuskan ayaa looga duceeyay dadkii sida isir gumaadka ah u laayay kaligii taliskii Maxamed Siyaad Bare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

munaasibada loo sameyey xuskan ayaa looga duceeyay dadkii sida isir gumaadka ah u laayay kaligii taliskii Maxamed Siyaad Bare

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland, Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka,Siyaasiyiin Ka Socda Madaxda Qaranka, Guddida Baadhista Xasuuqa Iyo Gudiyo Kala Duwan Ayaa Ka Soo Qayb Galay Munaasibada Lagu Xusayay Maalinta Loo Aqoonsaday Maalintii Xasuuqa Shacabka Reer Somaliland Uu Kula Kacay Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare Taas Oo Loo Asteeyay Maalinta 3-Da Bisha Jun.

 


Waxaana munaasibada xalay loogu duceeyay dadkii sida isir gumaadka ah u laayay kaligii taliskii Maxamed Siyaad Bare,waxaana munaasibadaas lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya xasuuqii.

 

Guddoomiyaha guddida baadhista Xasuuqa somaliland Khadar Axmed Like oo furitaankii munaasibada hadal kooban kasoo jeediyay ayaa ka waramay xasuuq yadii ka dhacay wadanka somaliland siday u dhaceen kasoo oo si qiiro leh faah-faahin uga bixiyay kuna dheeraaday maalinta waxa ay umadan u tahay shacabka reer somaliland waxaana uu yidhi”

Sababta maalinta 3da juun loogu asteeyay maalinta xasuuqa somaliland,kolay gudi badan ayay waraysteen waxaana ay u qaateen in maalinta loo aqoonsadao maalinta xasuuqii ka dhacay wadanka somaliland,3da juun waxa ay ahayd maalintii dadkii ugu badnaa la xasuuqay inkasta oon hadan tiradoodu si rasmi ah loo hayn hadana waxa lagu qiyaasaaKonta Kun Oo Qof,sida loogu aqoonsadayna waa sidaas.

Dhinac kale guddoomiyaha xasuuqa waxa uu sheegay in cadaymo badan lahayo oo lala xidhiidhinayo sidii arxan darada ah ee loo xasuuqay dadkii shacabka ka ahaa waxaana uu yidhi”

"waxaanu haynaa muuqaalo duuban qoraal iyo dad hada nool oo mar khaatiyaal ah,waxaana uu sheegay in ay sii wadayaan inta ay ka gaadhayaan xaqiida dhabta ah ee dadka la xasuuqay,waxa kale oo uu ka shekeeyay xabaalo wadareedyo badan oo lasoo faqay qolfoofkii dadkii lagu xasuuqay oo dhakhaatiir caalami ahi baadhitaan ku sameyeen waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in ay gudidu tageero iyo awoodba u hesho sii wadista hawshaas Culus loo xaqiijin lahaa."

Sidoo kale waxa isna munaasibada hadalo kasoo jeediyay mujaahid Maxamed Xaashi cilmi oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyada somaliland isla markaas ka tirsan imika golaha lagu magaca daray madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland waxaana uu faah-faahin ka bixiyay sidii somaliya looga goostay oo uu ku sifeeyay xasuuqii ka dhacay wadanka somaliland”


Mujaahid Maxamed xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”waa waajib ina saraan dadkani waxa ay u dhinteen oo ah waxa aynu maanta dalka ku joogno oo ah nabada,waana waxa lagu yahay madaxwaynaha, waaan waxa lagu yahay wasiirka waana waxa aynu xoriyada u haysano ee dalkii maanta aad arkayso nabada ka islaaxday,waxaana loo baahan yahay dadkii u dhintay in loo sameeyo meelo lagu xasuusto geesiyaashii naftooda u huriya somaliland, inta joogtana nolol fiican ay ku noolaadaan.
"sababta aynu u goosanay waxa ay ku xidhnayd inta badan xasuuqii ka dhacay wadanka,wixii inaga gaadhay wixii laynaga dhacay kol kaas waxa weeyaan in maalintaas la wayneeyo oo lasiiyo waxa ay mudan tahay maalintani,waxaana fiican in la xasuusto dadkii inaga dhintay kuwii inaga dhaawac may maalinta iyo ubadkii ku agoomoobayba, in la xuusto ayaa waajib ah lakiin waxa nasiib daro ah in ay ka muquurteen masuuliyiintii xukuumada ugu mudnaa oo aan kasoo qayb galin waana wax laga naxo.










Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com