Tahriibayaal lagu badbaadiye badaha Dalka Yemen iyo ku dhowaad 50 Qof oo mayd ah oo laga helay Xeebaha Dalkasi yemen

0
Wednesday June 04, 2014 - 17:14:36 in by Super Admin
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibayaal lagu badbaadiye badaha Dalka Yemen iyo ku dhowaad 50 Qof oo mayd ah oo laga helay Xeebaha Dalkasi yemen

    Ciidammadda ilaalada Xeebaha ee dalka Yaman, Ayaa sheegay inay heleen Meydadka ugu yaraan 50 qof

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidammadda ilaalada Xeebaha ee dalka Yaman, Ayaa sheegay inay heleen Meydadka ugu yaraan 50 qof

 oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan tahriibayaal ah oo ay Doonnidii sidday ay kula qarqoontay Badda Cas.


Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Yemen, Ayaa sheegay inay wali raadinayaan in ay helaan dad kale oo ka mid ah Tahriibayaasha doontu la qaraqoontay.


Ciidanka ilaalada xeebahu waxaa kaloo ay sheegeen in ay jiraan dad ka mid ah tahriibayaasha oo ay nolol ku soo badbaadiyeen.


Doonnida sidday tahriibayaasha ee ku qarqoontay xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen, Ayaa la sheegay inay ka shiraacatay xeebaha Maamul Goboleedka Puntland, Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ay jiraan doonyo kale oo wali ku gudo jira safar ay ku sidaan dad Tahriibayaal ah oo ay ka dhoofiyeen xeebaha Puntland kuwaasoo ay tahriib ku galinayaan dalka Yemen iyadoo ay Tahriibayaashu doonayaan inay Yemen uga sii gudbaan dalka Suciidiga.




Contact@afkashacabka.com