Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Guddoonsiiyay Guddida Wadada Baligubadle 100,000$ (Boqol Kun Oo Dolar) +Sawiro
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaan Kijaandhe, Gudidada Wadada Baligubadle iyo Hargeysa.
waxa ay maanta soo kor mereen wajigii labad ee wadadaasi oosi toosa loo bilaabay.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi oo deeq lacag ah oo dhan 100,000 Dollar ku wareejiyey Gudoomiyaha Dhismaha wadada Baligubadle ilaa Hargeysa ayaa sheegay in himiladoodu tahay in ay mar walba ka dhabeeyaan dhismaha iyo taabogelinta Wadooyinkii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay.
Waxana uu yidhi wasiirku "Madaxweynaha Qaranku waxa uu Shacbigisa Farta ugu Fiiqay inay waxqabsankaraan oo ay dedaali karaan isaguna uu garab taagnaan doono wakhti walbaā€¯ ayu yidhi
Waxa kale oo weftiga kuwehelinaayey xubno ka mida qurbajooga gobolka Hawd ee Baligubadle iyo Gudoomiyaha Gobolka oo bulshada ku baraarujiyey in ay u sii baneeyaan wadada ku soo foolka leh waana mid aad u aayi-doontaan ayuu yidhi gudoomiyuhu madaama oo ay wadadani tahay mid Qiimo aan la qiyaasi Karin ugu fadhida Deegaanka iyo Gobolkaba.
Mudoyinkii udanbeyay kuxukumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo waxay ku hawlanayd horumarinta wadoyinka dalka.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Guddoonsiiyay Guddida Wadada Baligubadle 100,000$ (Boqol Kun Oo Dolar) +Sawiro
Wasiir Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maareeyaha hay'ada Wadooyinka oo hogaaminaaya wefti balaadhan oo ay ka mid ahaayeen