Markab weyn oo Ethiopia u sida Shixnad ayaa ku soo xidhanaya Dekedda Berbera.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Xoor xoor ayaa Xalay Wargeyska Waaheen u xaqiijiyey Markabkaasi inuu ku soo xidhanayo Dekedda Berbera, isagoo sheegay in uu sido qalab dhisme oo uu ku tilmaamay qalabka laga dhiso guryaha meelaha cidlada ah laga dhiso (Kaamamka) isagoo tilmaamay inay qayb ka yihiin Mashaariicda laga wado Dalka Itoobiya.
Cali waxa uu sheegay in Dawladda Somalailand iyo Dawladda Itoobiya heshiisyo balaadhani dhawaan dhex mari doonaan, isagoo sheegay bishan dabayaaqadeeda inay labada Dal kulan balaadhan ku yeelan doonaan Magaaladda Addis ababa. Ethiopia oo aan lahayn bad ayaa inta badan isticmaasha Dekedda Jabuuti.
Cali Xoor Xoor waxa uu sidoo kale sheegay shixnada Dhismaha ah ee Markabkan saaran in ay ka qayb qaadan doonaan baabuurta xamuulka ee dadka Reer Somaliland si faa’iido ay labada dhinacba ugu wada qabaan isagoo cadeeyey inay illaa shan iyo labaatan gaadhi oo kuwa Itoobiyaanka ahi ku soo wajahan yihiin Berbera.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Markab weyn oo Ethiopia u sida Shixnad ayaa ku soo xidhanaya Dekedda Berbera.
Markabka ayaa sida Qalabka wax lagu dhiso,wuxuuna alaabta u sidaa Kililka 5-aad ee Itoobiya.