BASHAR AL-ASSAD OO MAR KALE LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SUURIYA

0
Thursday June 05, 2014 - 15:35:11 in by Super Admin
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BASHAR AL-ASSAD OO MAR KALE LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SUURIYA

    Madaxweynaha Suuriya ayaa dib loogu doortay Bashar Al-assad ka dib doorasho wadankaasi ka qabsoontay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Suuriya ayaa dib loogu doortay Bashar Al-assad ka dib doorasho wadankaasi ka qabsoontay.  Waxa uu ku guulaystay Boqolkiiba 89 codadkii la dhiibtay, sida uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka Suuriya Maxamed Al-laxaam oo ku dhawaaqay Natiijada Doorashada.

Doorashada waxaa ka qayb qaatay dadka ku nool dhulka Dawladda Suuriya maamuusho. Dawladdu waxa ay sheegtay in boqolkiiba 73 dadku u soo baxeen Doorashada.


Doorashada ayaa waxaa la qabtay xilli uu dalkaasi bartamaha kaga jiro dagaal sokeeye, dadka ku nool deegaanada ay dowladda maamusho oo kaliya ayey u suurtagashay in ay ka qeyb qaataan doorashada.

Doorashadan ayaa ah markii u horaysay ee loo Ogolaado qof aan Qoyska Bashar Al-assad uu ka qayb galo, hase ahaatee Mucaaradka Suuriya iyo Maraykanku waxay ku tilmaameen mid aan macno lahayn. Mucaaradka ayaa doorashada qaadacay, kuna tilmaamay mid khiyaali ah.



contact@afkashacabka.com