Buug laga qoray Muqdisho oo lagu soo bandhigay London,

0
Friday September 09, 2016 - 11:24:48 in by salman abdi
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buug laga qoray Muqdisho oo lagu soo bandhigay London,

    Buug wariye BBC uu ka qoray caasimada Muqdisho ayaa asbuucaan lagu soo bandhigay London. Andrew Harding oo muddo dheer Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Muqdisho Soomaaliya uga soo warramayay BBC ayaa buuggaa qoray. Buugga ayaa Andrew wuxuu ugu magac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buug wariye BBC uu ka qoray caasimada Muqdisho ayaa asbuucaan lagu soo bandhigay London. Andrew Harding oo muddo dheer Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Muqdisho Soomaaliya uga soo warramayay BBC ayaa buuggaa qoray. Buugga ayaa Andrew wuxuu ugu magac daray 'the Mayor of Mogadishu'.

Macnaha 'The Mayor of Mogadishu' waa 'Duqa Muqdisho' oo uu ula jeedoMaxamuud Axmednuur Tarsan dabcana waxaa buuggaa uu kusaabsan yahay xilligii Tarsan uu duqa magaalada Muqdisho ahaa.

Qeybo badan oo buuggaa ah ayaa kusaabsan xilligaa Tarsan uu ahaa duqa Muqdisho. Mar idaacada BBC wax ka weydiisay qoraaga buugga ayuu sheegay in Tarsan uu u dhabar adaygay in inta uu Soomaaliya kusoo noqdo uu u bareero qatar badan oo uga imaanaysay Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in ilaa hada inuu nool yahay ayba tahay arin nasiib ah oo uu aad u nasiib badan yahay.

Wuxuu intaa ku daray inuu shaqsiyad leeyahay Tarsan balse si kastaba ha ahaatee uusan buuggu kusaabsanayn duq magaalo oo fiican ama xun hase ahaatee dhabar adaygiisa oo qura.

Wuxuu kaloo sheegay in sida caasimada Muqdisho muddo labaatan sano kabadan ugu adkeysatay dagaalka sokeeye isuguna dayayso inay kasoo kabato laga dheehan karo buugga tusaalena ay u noqon karto dalal badan oo dhibaatooyin la dageen sida Suuriya.