Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+SAWIRRO

0
Sunday September 11, 2016 - 09:39:01 in by salman abdi
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay+SAWIRRO

    Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay,

waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka tirsan garabka isbahaysiga KULMIYE.

123456

Caaqil Rashiid Mahamed Jambiir oo ka mid ah Madax dhaqameedka miisanka iyo Magaca ku leh Qaranka Jamhuuriyada somaliland kana mid ahaa Cuqaashii saaka dalka ku soo dhawaynaysay Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa yidhi "Waxaanu Maanta si diiran Ugu soo Dhawaynaay garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Hargaisa Ex Wasiir Xirsi oo Ah Mishiinkii waxqabaadka Xukumada Ahmed Siiranyo laguna Xasuusan Doono Waxqabad badan, Hawl karnimo Iyo Dacaadnimoā€¯

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo in muddo ah dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa isna todobaadka danbe la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto.

Siyaasiyiinta Isbahaysiga KULMIYE oo taageero weyn ka haysta bulshada Somaliland ayaa cudud buuran ku biirin doona halka ay isku biyo shubtaan.