Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Ciidamo Cusub U Soo Direyso Soomaaliya.

0
Sunday September 11, 2016 - 09:49:26 in by salman abdi
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Ciidamo Cusub U Soo Direyso Soomaaliya.

    Dowladda Britain, ayaa sheegtay ciidamo ka socda dalkeeda inay u soo direyso gudaha dalka Somaliya, xilli kol hore ay balan qaaday arintaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Britain, ayaa sheegtay ciidamo ka socda dalkeeda inay u soo direyso gudaha dalka Somaliya, xilli kol hore ay balan qaaday arintaasi.


timthumb-1

Tobias Ellwood, oo ah Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Bariga dhexe iyo Afrika ayaa sheegay in dalkiisa ay ciidamo ka joogaan dalalka Somaliya iyo Koofurta Sudan isla markaana uu ciidamo cusub u soo dirayaan.

Wasiirka waxaa uu sheegayaa in ilaa 300 oo ciidan oo Ingiriis ah ay joogaan dalka koofurta Sudan halka Somaliya ay joogaan ilaa 40 oo dowladda Somaliya ka gacan siiya waxa loogu yeero la dagaalanka argigixisada.

Dalka Koofurta Suudaan ayaa codsaday in dalkaasi u baahan yahay ilaa 4,000 oo nabad ilaalin ah si wax looga qabto nabad-galyada dalkaasi.

"Markii aan booqday Somaliya waxaan indhaheyga ku arkay in nabad-galyo la’aan in wax walbo ooh or-umar ah oo la gaaray la lumin karo, waxaa lagama maarmaan ah in ciidamada Soomaalida ay la shaqeeyaan Amisom, iyaggoo si tartiib tartiib ah ula wareegaya mas’uuliyadda nabad galyada iyo xaisloonida dalka.” Tobias Ellwood

Hadalkan waxaa la sheegayaa in uu la sheegay shir wasiirada difaaca in ka badan 80 dal ay ku yeesheen magaalada London.