Warbixin: Man City Oo Muujisay Inaysan Aguero Kaliya Ku Tiirsaneyn, Mourinho Oo Ku Fashilmay Soo Xulashada Shaxdiisa Iyo Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Maanta Ay Man City Garaacday Man United.

0
Sunday September 11, 2016 - 10:07:31 in by Burco Office
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Man City Oo Muujisay Inaysan Aguero Kaliya Ku Tiirsaneyn, Mourinho Oo Ku Fashilmay Soo Xulashada Shaxdiisa Iyo Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Maanta Ay Man City Garaacday Man United.

    Kulankii ugu horeysay ee Manchester Derby ayaa la ciyaaray, waxaana ka soo baxay kulan xiiso leh iyadoo Manchester City ay 2-1 ku garaacday deriskooda Man United oo marti loogu ahaa garoonka Old Trafford, Jose Mourinho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii ugu horeysay ee Manchester Derby ayaa la ciyaaray, waxaana ka soo baxay kulan xiiso leh iyadoo Manchester City ay 2-1 ku garaacday deriskooda Man United oo marti loogu ahaa garoonka Old Trafford, Jose Mourinho

ayaa dhadhamiyay guuldaradiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka waxaana ay ka soo gaartay ninka ay xafiiltamaan ee Pep Guardiola.

Kevin de Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay Manchester City daqiiqadii 15aad, iyadoo Iheanacho uu u labeeyay isla qeybtii hore, laakiin United ayaa gool soo ceshatay dhamaadkii qeybta hore markii Ibrahimovic uu shabaqa soo taabtay. Hadaba waxaan eegeynaa shan waxbood oo laga bartay kulankii maanta.

1. City oo soo bandhigtay inaysan kaliya ku tiirsaneyn Aguero

Kelechi Iheanacho of Manchester City celebrates scoring his sides second goal

Xiddiga ganaaxa ku maqnaa ee Sergio Aguero oo Man City ka maqnaanaya seddex kulan oo kulankaan ka mid yahay ayaa niyadjab weyn u aheyd City.

Laakiin Pep Guardiola waxa uu soo bandhigay inuu heysto dooqyo kala duwan oo weerar ah isagoo u doortay da’ yarka Kelechi Iheanacho inuu hogaamiyo weerarkiisa.

Da’ yarkaan ayaana cadeeyay in tababarihiisa uu ku saxsanaa go’aankii uu gaaray isagoo ku abaalmariyay gool iyo caawin ka hor inta aan la bedelin bilowgii qeybta labaad sababo taatiko darteed. City waxa ay cadeeyeen inaysan kaliya ku tiirsaneyn Aguero.

2. Mourinho oo ku fashilmay soo xulashada shaxda kooxdiisa.

Jose Mourinho, Manager of Manchester United reacts

Iyadoo kaliya ay 24 daqiiqo socotay ciyaarta, islamarkaana United lagu hogaaminayay 1-0, Mourinho ayaa ku amray Martial, Rashford iyo Herrera inay iskululeyaan, isagoo markaas garwaaqsaday inuu soo doortay shax qaldan islamarkaana loo baahan yahay isbedel.

Inuu ku soo bilaabay Mkhitaryan iyo Lingard kulankoodii ugu horeysay ee tartan rasmi ah intii uu tababar ka ahaa kooxda ayuu ku fashilmay, xiddiga reer Armenia ayaa u muuqday mid weli dareemaya dhaawacii ka soo gaaray feeraha, halka Lingard oo dhaawac isna ka soo laabtay uu ahaa mid qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhacsanaa, inkastoo iyaga kaliya aysan aheyn balse ciyaartoydii ku soo bilaabatay oo dhan waxa ay ahaayeen kuwa si liita u ciyaarayay.

Marcus Rashford inuu ku soo bilowdo ayay aheyd, markii la soo geliyay qeybtii labaad, United waxa ay la soo baxday carcar ay ku raadineysay goolka barbaraha.

3. De Bruyne oo u soo laabtay inuu ugaarsado Mourinho.

Manchester City's Kevin De Bruyne celebrates scoring his side's first goal

 
 

Markii ay Chelsea wada joogeen Mourinho ayaa u arkayay De Bruyne mid aan ku habooneyn Blues, laakiin De Bruyne ayaa u soo laabtay inuu ugaarsado tababarihiisa hore isagoo dhaliyay goolkii furitaanka ee City waxaana uu gacan weyn ka geystay goolkii labaad iyadoo kuabdiisa oo ku dhacday birta ay keentay in Iheanacho uu si fudud shabaqa ugu taabto.

De Bruyne waxaa xoriyad badan siisay United waana uu ka faa’ideystay isagoo ku ciqaabay United difaacaso xumadooda iyo sida uu khadkooda dhexe isagu dhex yaacsanaa.

De Bruyne ayay aheyd inuu dhaliyo goolkiisa labaad oo uu ciyaarta ka dhigo 3-1 qeybtii labaad markii darbadiisa goolka loo fishay ay ku dhacday birta.

4. Iska garab ciyaarista Blind iyo Bailly oo fashil ku dhow

Manchester City's David Silva in action with Manchester United's Eric Bailly

Mourinho ayaa ku aaminay Bailly iyo Blind wadnaha daafaca, ka dib sida cajiibka leh ee ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka waxaana la rajeynayay in isfahamkooda uu noqdo mid sii kordha.

Laakiin labada nin waxaa maanta soo martay maalin ay tahay inay iska ilaawaan gaar ahaan Blind kaasoo u ogolaaday De Bruyne inuu dhaliyo goolka hore, islamarkaana ka dhigay Iheanacho mid aan offside aheyn markii uu dhalinayay goolka labaad.

Bailly ayaa sidoo kale isna qalad ku lahaa goolka hore isagoo aan la boodin Iheanacho, kaasoo kubadiisa madaxa ay keentay in De Bruyne uu kubada helo. Blind mar walba waxa uu ahaa xal ku meel gaar ah, waxaana uu soo bandhigay sababta ay United ugu baahan tahay daafaca dhexe oo hogaamiyo kooxda

5. Bravo oo ku hungoobay inuu cadeeyo sababtii loo keenay Man City.

Manchester United's Wayne Rooney after a challenge with Manchester City's Claudio Bravo

Waxa uu sabab u ahaa in Joe Hart laga diro Man City madaama uu Guardiola u arkay inuusan ku habooneyn qaab ciyaareedkiisa, waxaana uu doortay goolhayihii hore ee Barcelona si uu kubada gaal uga soo dhiso, laakiin taasi waxa ay keentay inuu qaladaad badan sameeyo.

Waxa uu sidoo kale qalad weyn ku lahaa goolkii Ibrahimovic isagoo si wacan u qaban waayay kubad la soo qaaday taasoo keentay in Ibra uu shabaqa islamarkiiba toogto.

Goolhayaha reer Chile ayaa sidoo kale nasiib ku lahaa inuu ka badbaado kaarka casanaka markii uu taakal xun ku qabtay Rooney markii uu ku hungoobay inuu kubad loo soo celiyay si wacan isaga bixiyo.