Hordhac: Real Madrid v Sporting CP – Los Blancos Oo Bilaabeysa Difaacashada Koobka UCL Xilli Cristiano Ronaldo Uu Ka Horimaanayo Kooxdiisa Hore.

0
Wednesday September 14, 2016 - 08:45:54 in by Burco Office
  • Visits: 601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid v Sporting CP – Los Blancos Oo Bilaabeysa Difaacashada Koobka UCL Xilli Cristiano Ronaldo Uu Ka Horimaanayo Kooxdiisa Hore.

    Real Madrid v Sporting Lisbon Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Paolo Tagliavento (Italy)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid v Sporting Lisbon Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Paolo Tagliavento (Italy)


Kooxda Real Madrid waxaa u bilaabanaya caawa wadadii ay ku difaacan laheyd koobka Champions League oo ay markii 11aad ku guuleysteen xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay doonayaan inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee difaacata koobkaan tan iyo markii Champions League loo bixiyay iyagoo caawa Bernabeu ku soo dhaweynaya kooxda Portugal ee Sporting Lisbon.

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaana ka horimaanaya kooxdiisa hore ee Sporting CP kuwaasoo uu la joogay muddo lix sannadood ah intii u dhaxeysay 1997 iyo 2003 markaasoo uu kaga biiray kooxda Manchester United.

Si kastaba labada kooxood ee ka dhisan Spain iyo Portugal iskuma cusba, waxaana markii ugu danbeysay ay ku kulmeen wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkii 2000-01.

Real Madrid & Sporting waxa ay ku jiraan Group F waxaana kula wehliya Borussia Dortmund oo caawa u safreysa kooxda reer Poland ee Legia Warszawa.

real-madrid-vs-sporting-match-preview-prediction-uefa-champions-league-group-f-2016-17

MAXAA KA CUSUB?

 

Kulanka caawa waxaa la filayaa inay dib u midoobaan seddexda weeraryahan ee Real Madrid ee BBC (Bale, Banzema & Cristiano Ronaldo) kuwaasoo haatan taam u wada ah inay ku soo bilowdaan kulanka caawa ee Santiago Bernabeu.

Tababare Zidane kaliya labo ciyaaryahan ayaa dhaawac kaga maqan goolhaye Navas oo weli ku maqan dhaawac ciribta ah waxaana booskiisa sii buuxinaya Casilla, halka daafaca bidix ee Fabio Coentrao uu isna ku maqan yahay dhaawac muruqa bowdada ah.

Tababaraha kooxda Sporting CP Jorge Jesus oo sheegay inuu wajahayo kooxdii ugu xooganeyd ee Real Madrid ee muddo sannado ah ayaa heysta koox taam ah oo uu ka soo xusho shaxdiisa kulanka caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid:Casilla; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić; Bale, Benzema, Ronaldo.

Sporting:Patrício; João Pereira, Coates, Semedo, Zeegelaar; William Carvalho, Adrien, Ruiz; Campbell, Gelson, Dost.