Shir Guddiga Doorashada Soomaaliya uu ku Qabtay Nairobi

0
Thursday September 15, 2016 - 11:14:49 in by salman abdi
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Guddiga Doorashada Soomaaliya uu ku Qabtay Nairobi

    Waxaa sidoo kale uu falanqeeyay jadwalka iyo wixii cabashooyin ah sida loo xallin doono, waa hadii ay dhacaan wax arinkaa kusaabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sidoo kale uu falanqeeyay jadwalka iyo wixii cabashooyin ah sida loo xallin doono, waa hadii ay dhacaan wax arinkaa kusaabsan.

Xalay ayaa guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya uu shir ku qabtay Nairobi gaar ahaan hoteelka Intercontinental.

Shirkaa ayaa waxaa uu ahaa fagaare furan oo kadib markii ay kusoo bandhigeen waxqabadkooda iyo hannaanka la filaayo in doorashadu u dhacdo ayaa dadku weydiinayeen suaalo xubnaha guddiga.Cumar Maxamuud Cabdulle, Cumar Dhagey, guddoomiyaha guddiga ayaa soo bandhigay hannaanka doorashadu u dhici doonto.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay qeybaha kala duwan ee guddiga iyo waxa ay qaban doonaan.

Shirkaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin badan oo caan ka ah bulshada dhexdeeda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka iyo dibada intaba.