"Europa League Waxa Uu Dhaawacayaa Hamiga Man United Ee Koobka Premier League"Jose Mourinho

0
Thursday September 15, 2016 - 11:19:28 in by Burco Office
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Europa League Waxa Uu Dhaawacayaa Hamiga Man United Ee Koobka Premier League"Jose Mourinho

    Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in ka qeyb qaadashadooda koobka Europa League inay waxyeeleyn doonto hamigooda koobka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in ka qeyb qaadashadooda koobka Europa League inay waxyeeleyn doonto hamigooda koobka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.


Laakiin Mourinho ayaa sheegay inuu weli doonayo inuu ku guuleysto koobka labaad ee ugu qiimaha badan Yurub, islamarkaana uu hubin doono in ciyaartoydiisa ay u dhiirogashan yihiin tartanka.

United ayaa ku bilaabeysa xilli ciyaareedkeeda Europa League kulanka ay caawa oo khamiis ah booqanayaan kooxda Feyenoord, Mourinho ayaana sheegay in qaabka tartanka inay sii adkeyn doonto xaaladooda.

manchester-united-press-conference

"Haa, aad ayay u adag tahay” ayuu yiri Mourinho.

"Gaar ahaan madaama aanan helin fursad aan ku ciyaarno isniinta soo socota si aan u helno hal maalin oo dheeri ah oo nasasho ah, marka aan ciyaarno khamiista, waxaana ciyaareynaa hadana axada.

"Waan ognahay in caawinaad dhankaas ah inaanan heli doonin, xaqiiqda waxa ay tahay isbuuca aan la ciyaareyno Liverpool, Fenerbahce iyo Chelsea, hadiyada nala siiyay ayaa ah inaan Liverpool la ciyaarno isniinta ka hore kulanka Fenerhabce.

"Waxaan Liverpool la ciyaareynaa isniinta (17ka October), ka dib waxaan la ciyaareynaa Fenerbahce Khamiista (20ka October) waxaa inoo xigta inaan Chelsea la ciyaareyno axada (23ka October).

"Tartankaan ma ahan mid ay Manchester United dooneyso” ayuu hadalkiisa raaciyay. "Ma ahan tartan aan aniga ama ciyaartoyda dooneyno.

"Laakiin waa tartan aan ku jirno waana tartan ka tarjumaya xaqiiqda. Waa inaan tartanka si ixtiraam leh u eegno, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano.”