Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaari fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo.

0
Thursday September 15, 2016 - 11:19:10 in by salman abdi
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaari fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo.

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaari fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu mamnuucayo in gawaari fara badan lagu galbiyo aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in hada kadib aroosyada ka dhacaya magaalada Kismaayo kaliya lagu qaadi karo labo gaari, waxa uuna intaa ku daray cidii labo gaari ka badan isdaba dhigta in lasoo xiri doono gaar ahaan xabsiga la dhigi doono arooska iyo aroosada la galbinayo.

Ciidamada Amaanka ayuu ku amray Madaxweynaha Jubbaland in ay fuliyaan amarkan uu soo saaray ayna soo qabtaan arooskii lagu galbinayo labo gaari wax ka badan, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha ka digay in xabado la rido xiliga aroosyada la galbinayo.


Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale qalad ku tilmaamay in aroosyada la galbiyo xiliga salaada Maqrib lagu jiro, waxa uu uga digay lamanayaasha is guursanaya in ay babauur badan arooskooda u isticmaalana sidoo kale arooskooda galbiyaan xiliyada aan munaasibka aheyn.

''Waa mamnuuc in boqol gaari la is dabo dhigo , arooskii la arko iyada oo baabuur badan lagu galbinayo hala soo xiro arooska iyo aroosada , waa qalad in arooska la galbiyo xiliga salaada maqrib loo tagaan yahay xabado dadka qal qa galinaya loo ridayo'' Ayuu yiri Axmed Madoobe.


Awaamiirtan cusub ee kasoo baxday Madaxweynaha Jubbaland waxaa soo dhaweeyay qaar badan oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo gaar ahaan dhalinyrada guurdoonka ah oo dhib badan ku qabay baabuurta badan ee lagu xiro marka ay guursanayaan.