Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Xili Danbe Ah Bernabeu Kaga Gaadhay Kooxda Sporting Lisbon, Ronaldo & Morata Oo Daqiiqado Kooban Los Blancos Guuldaro Ka Badbaadiyay

0
Thursday September 15, 2016 - 11:22:57 in by Burco Office
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Guul Soo Laabasho Xili Danbe Ah Bernabeu Kaga Gaadhay Kooxda Sporting Lisbon, Ronaldo & Morata Oo Daqiiqado Kooban Los Blancos Guuldaro Ka Badbaadiyay

    Kooxda koobka Champions Leaque-ga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa daqiiqadiihii ugu danbeeyay ee kulankii Santiago Bernabeu guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo daqiiqado ka hor dhamaadkii kulankan u muuqatay in ay guul taariihi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda koobka Champions Leaque-ga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa daqiiqadiihii ugu danbeeyay ee kulankii Santiago Bernabeu guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo daqiiqado ka hor dhamaadkii kulankan u muuqatay in ay guul taariihi ah ka gaadhayso Real Madrid.


Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid udhaliyay goolka barbaraha iyada hal daqiiqo oo kaliyi ay ka hadhsan dhamaadkii kulankan balse Alvaro Morata ayaa dhamaadkii afar daqiiqo oo dheeri ahaa ku dhaliyay goolka ay Real Madrid dhinaca kale ugu dhigtay natiijo ay daqiiqado yar ka hor guuldaro lugaha kula jirtay. waxayna Madrid guushan ku gaadhay 2:1 inkasta oo ay dhibaato wayn kala kulantay kooxda Sporting oo nasiib xumo ay ku ahayd in ayna kulankan wax dhibic ah ka helin.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Madrid XI (4-3-3): Casilla; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.

Kaydka: Yanez, Pepe, Danilo, Kovacic, Rodriguez, Vazquez, Morata.

Sporting Lisbon XI (4-4-2): Patricio; Pereira, Semedo, Coates, Zeegelaar; Martins, Silva, Carvalho, Cesar; Dost, Ruiz.

Kaydka:Beto, Schelotto, Oliveira, Elias, Markovic, Andre, Campbell.

Qaybta hore ee kulankan ayaan noqon sidii laga filayay iyada oo Real Madrid awoodi wayday in ay wax goolal ah ka dhaliso kooxda martida u ahayd ee Sporting taas badalkeeda kooxda martida ahayd ee Sporting ayaa qaybta hore ee kulan soo badhigtay qaab ciyaareed aad u fiican inkasta oo ayna ku fiicnayn dhinca weerarka.

Inkasta oo ay Real Madrid ku ciyaaraysay Santiago Bernabeu oo ay si wayn u soo buux dhaafiyeen jamaahiirteedu ayayna haddana soo badhigin qaab ciyaareed raali galiyay jamaahiirta kooxdeeda, waxayna kooxda Sporting xaalad ku xumaysay kooxda martida loo ahaa inkasta oo ay labada koxoodba ku fashilmeen in ay shabqa gaadhaan.

Gareth Bale ayaa si fiican qaybta hore u shaqaynayay laakiin Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa ku dhibtooday in ay saamayn ku yeeshaan inkasta oo Ronaldo uu darbo cajiib ah ku bartilmaameedsaday goolka Sporting laakiin qaybta hore ayaa ahayd mid aan lahayn wax dhacdooyin muhiim ah oo laga warbixiyo.

Dhamaadkii qaybta hore Gareth Bale ayuu soo gadhay dhaawac laakiin waxa uu awooday in uu waqtigii nasashada garoonka ka baxo isaga xanuun badan dareemaya balse xidiga ree Wales ayaa lays waydiinayay in uu garoonka ku soo laaban doono qaybta danbe ee kulankan. Si kastaba ha ahaatee, qaybta hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda Sporting soo laabtay iyada oo kalsooni buuxda ku socota isla markaana ku soo tashatay in ay Real Madrid dhibaato wayn ku abuuri karto. Inkasta oo ay Real Madrid doonaysay in ay ciyaarta si dhab ah wax uga badasho isla markaana uu Gareth Bale soo laabtay isaga oo xanuunkii laga soo daaweeyay ayay haddana xaalada Madrid sii ahayd mid lama filaan ah.

DAQIIQADII 47 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Kooxda martida ahayd ee Sporting ayaa heshay goolkeeda furitaanka iyada oo Real Madrid si deg deg ah bilawgii qaybta danbe ugaga naxsatay goolkan waxaana goolkan Sporting Lisbon u saxiixayBruno César Zanaki kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay kooxda ree Portugal ee Sporting hogaanka ciyaarta ku qabtay.

 

Waxaa cajiib noqotay qaabka aan la rumaysan karin ee kalsoonida badani ku dheehnayd ee ay Sporting garoonka ugu soo laabtay waxayna sii waday in ay kubbada u ciyaarto si qurux badan isla markaana waxay halisba ugu jirtay in ay la timaado goolka labaad. Real Madrid ayaa si dhab ah ugu dhibtooday ciyaarta taas oo Zidane ku qasabtay in uu isbadal ku sameeyo shaxdiisa.

DAQIIQADII 67 AAD Zidane ayaa qaatay go’aan geesinimo leh wuxuuna ciyaarta ka saarayKarim Benzema, wuxuuna kaydka uga yeedhayÁlvaro Borja Morata, wuxuuna sidoo badalayGareth Bale isaga oo ciyaarta soo galayay da’yarkaLucas Vázquez. Real Madrid ayaa markiiba dareentay dhiiga cusub ee uu Zidane ku shubay waxayna bilawday in ay hurdada ka kacdo.

Waxayna Real Madrid bilawday in ay si joogto ah weerar ugu hayso Sporting laakiin waxay dhibaato wayni ka haysatay in fursad abuuristeeda goolal u badali karto gaar ahaan Ronaldo oo uu muuqday in uu aanu ku jirin xaalad fiican waxayna Sporting muujisay adkaysi badan iyada oo wali isku dayaysay in ay Real Madrid kubbada la qaybsato.

DAQIIQADII 82 AAD BIRTA! Real Madrid ayaa ugu dhawaatay goolkeeda barbaraha kadib markii uu Ronaldo goolka Sporting hortiisa uu kubbad ku helay, wuxuuna u furnaa goolka laakiin darbada uu goolkan ku dhalin lahaa ayaa birta goolka ka soo booday, laakiin kubbada soo booday oo ay Real Madrid markiiba soo celisay ayuu Morata gool ku dhaliyay basle waxa uu si cad ugu jiray offside taas oo aan wax muran ah keenin.

DAQIIQADII 89 AAD GOOOOOOOOOOOOL!.Iyada oo Real Madrid uu xaalku aad ugu xun yahay ayaa kubbad laaga xorta ah loo dhigay cidhifka xerada ganaaxa Sporting, waxaana kubbad is dultaagay Cristiano Ronaldo kaas oo kubbad LAYAABLEH kooxdiisa ugu dhaliyay goolka barbaraha wuxuuna neefta ka soo daayay jamaahiirta kooxdiisa niyadjabsanayd wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Qaabka uu Ronaldo u tuuray darbada laaga xorta ahayd ayaa ahayd mid cajiib ah laakiin goolhayePatricio ayaa kubbad iska dhirbaaxay balse birta goolka ayaa dib ugu sii celisay shabaqa uu ilaashanayay, wuxuuna sidaa Ronaldo ku dhaliyay goolkiisii 95 aad ee waayihiisa Champions Leaque-ga. Xaqiiqdii goolka Ronaldo ayaa kooxdiisa u ahaa wax wayn.

DAQIIQADII 90+4 AAD ee dhamaadka ciyaarta Real Madrid ayaa heshay goolkeeda guusha ee ay dhinaca kale ugu dhigtay xaaladii xumayd iyo guuldaradii ay lugaha kula jirtay, waxanaa Los Blancos guushan ku hogaamiyay isla markanaa goolasha guusha udhaliyay Álvaro Borja Morata oo kubbad qurux badan ka helay James Rodriguez, wuxuuna ciyaarta Morata ka dhigay 2:1 ay si cajiib ah Real Madrid dhinca kale ugu dhigay natiijo ay daqiiqado yar ka hor guuldaro ku jirtay. Waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Madrid ku gaadhay guul soo laabasho aad u soo daahday.