Donald Trump oo mar kale ka dhawaajiyay Hadal cadho badan ay ka dhalatay

0
Saturday September 17, 2016 - 16:32:09 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo mar kale ka dhawaajiyay Hadal cadho badan ay ka dhalatay

    Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga u matalaya Doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka dhawaajiyay hadalo caro badan dhaliyay si weyna ay u dhaleeceeyeen taageerayaasha Musharaxa Xisbiga Dimuquradaiga Hillary Clinton.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga u matalaya Doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka dhawaajiyay hadalo caro badan dhaliyay si weyna ay u dhaleeceeyeen taageerayaasha Musharaxa Xisbiga Dimuquradaiga Hillary Clinton. Donald Trump ayaa soo jeediyay in hubka laga dhigo kooxaha ilaaliya Musharax Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton, waxaana hadalkaasi loo fasirtay mid uu ku doonayo Trump in lagu khaarijiyo Musharaxa tartanka kula jirta.

''Kooxaha ilaaliyaha Mrs Clinton ee meel walbo daba yaacaya hubka halaga dhigo kadibna hala arko waxa ku dhaca'' Ayuu yiri Donald Trump oo la hadlayay taageerayaashiisa.

Taageeyayaasha Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Hillary Clinton ayaa si kulul u dhaleeceeyay hadalkan kasoo yeeray Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waxa ayna ku eedeeyeen Trump in uu dhabaha u xaarayo qalalaase uu ku doonayo in lagu dilo Hillary.
Maareeyaha ololaha Mrs Clinton, Robby Mook, ayaa sheegay in hadallada Trump ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, ayna yihiin tusaalihii ugu dambeeyay ee kicinta iyo ku boorinta dadka falal qalalaase ah oo dhibaato abuuri kara.

Musharaxa Xisbiga Jahuuriga Donald Trump ayaa marar badan ka dhawaajiyay hadalo caro badan abuuray si weyna ay u dhaleeceeyeen dadka Mareykanka, Taajirkan ayaaan caan ku ah ka dhawaajinta hadalada xanafta leh.