Daawo:Wasiirka Ganacsiga Somaliland Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Hotel Cusub Oo Laga Hirgaliey Magaalada Gabiley

0
Saturday September 17, 2016 - 16:32:12 in by Burco Office
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiirka Ganacsiga Somaliland Iyo Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Hotel Cusub Oo Laga Hirgaliey Magaalada Gabiley

    Gabiley(AFKA)Munaasibad aad U Balaadhan Oo Loogu wanqalayo Hotelka Cusub Ee Boqor ayaa waxa ka soo qayglay madaxda heer gobol iyo heer degmo,saladiin,aqoonyahan culumoawdiin,Ganacsato,Maamulalaha Shirkada Telesom Ee Gabiley Maxamed Xaashi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(AFKA)Munaasibad aad U Balaadhan Oo Loogu wanqalayo Hotelka Cusub Ee Boqor ayaa waxa ka soo qayglay madaxda heer gobol iyo heer degmo,saladiin,aqoonyahan culumoawdiin,Ganacsato,Maamulalaha Shirkada Telesom Ee Gabiley Maxamed Xaashi.


Munaasabadan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay mulkiilaha Hotelkan casriga ah ee Boqor HOTEL C/kariim Xasan Caalin Oo Ka Warbixiyay Waxyaabaha uu kaga duwanaan doono hotelaadii kale ee hore Uga Jiray Magaalada Gabiley ayaa waxa uu noo sheegay in uu adeegyo casriya ku soo kordhin doono Sida Cuntooyinka Oo Noocyo Kala Duwan Leh Cabitaano Sidoo Kale Nadaafadiisa Oo Aad U Saraysa Shaqaale Lagu Carbiyay Hawshooda.
Ugu danbayn C/kariim Xasan Caalin ayaa u mahadnaqay dadwaynihii ka soo qaybgalay munaasabadan

 

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas ka hadlay Marti sharaftii ka soo qayb gashay oo iskugu jiray Ganacsato,culumo, salaadiin,aqoonyahano, Maamulka Gobolka Gabileyl,Qurba joog iyo marti sharaf kale waxa ayna dhamaantood ka makhraati kaceen in C/kariim Xasan Caalin yahay shakhsi wanaagsan oo ku dayasho Mudan iyaga oo alle uga baryay in Hotelkan Casriga ah ee magaca fiican xanbaarsan alle u barakeeyo,waxa kale oo ay sheegeen in Mulkiile C/kariim ka mid yahay Qurbo Jooga Ugu Firfircoon Reer Gabiley.


Si kastaba ha ahaatee Hotelkan Boqor ee maanta xadhiga laga jaray ayaa noqonaya Hotelkii ugu horeeyay ee magacan Boqor oo kale wata ee laga hirgaliyo Somaliland waxa uuna magaciisani soo jiitay Dadwaynaha kala duwan ee ku kala nool daafaha iyo gudaha Somaliland gaar ahaan Magaalada Gabiley waxaana uu noqonayaa mid ku soo kordhiya Gabiley Bilic Iyo Horumar la taaban karo oo uu sameeyay Shakhsi ah Qurba jog Lana Rajaynayo inay Qorba Jooga Kale Ee Reer Gabiley Ka Daydaan Oo aY Magaaladooda Soo Maal Gashadaan