"Nimankii Dhaartay Ee Yidhi Doorashada Waanu Qabanaynaa Maantana Tanbay Keeneen, Yaa Damaanad Qaadaya Doorasha Madaxtooyada" ... C/qaadir Jirde.

0
Sunday September 18, 2016 - 13:11:58 in by Burco Office
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Nimankii Dhaartay Ee Yidhi Doorashada Waanu Qabanaynaa Maantana Tanbay Keeneen, Yaa Damaanad Qaadaya Doorasha Madaxtooyada" ... C/qaadir Jirde.

    Hargeysa(AFKA)Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo shir gudoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan keenay in Xildhibaanada qaar is af dhaafan oo gacanta iskula tagi ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada oo shir gudoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ka dhashay buuq iyo sawaxan keenay in Xildhibaanada qaar is af dhaafan oo gacanta iskula tagi gaadhan,waxaana murankan keenay wareegtadii uu

Madaxweynuhu ku dalbaday in muddo kordhin loo sameeyo Golahan si saami qaybsiga xal looguHargeysa (HWN)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in shacabka loo damaanad qaado inaan dib loo dhigayn doorashada madaxtooyada, waxaanu cambaareeyay qaabkii uu guddoomiye-xigeenka wakiilada Baashe Maxamed Faarax shalay u hoggaamiyay fadhigii wakiilada ee lagaga hadlayay kala qaadista labada doorasho oo ah dalab uu Madaxweyne Siilaanyo golaha u soo gudbiyay. helo, waxaana Xildhibaanada qaar ka biyo diideen qodobo Madaxweynuhu ku soo lifaaqay wareegtadiisan.

 

Kal-fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen 59 Xildhibaan ayaa 52 Xildhibaan ogolaadeen wareegtada Madaxweynaha, Shan Xildhibaan baa diiday, laba Xildhibaana way ka aamusay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), ayaa iyagu sharci daro ku tilmaamay qodobo uu Madaxweynuhu soo raaciyey wareegtadiisa uu ku dalbanayo in Doorashada Wakiilada dib loo dhigo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde ayaana isaga oo arintan ka hadlaya yidhi "Xeerkii oo dhan baa laga leexday, Digreetadu waa afar bog, afar bogna Xildhibaanada waa loo qaybiyaa, 48-saacadood ayaa la siiyaa oo la yidhaahda soo akhriya, waxa uu ahaa af duub loo badheedhay, sida aad arkayseen cod qaadisna maanan sameeyn gacan taagna maanaan sameeyn, codkiina waanu ogolanaay, laakiin se Digreetadan waxa ku qoran oo dhani anaga nama khuseeyaan, inuu Guddi u saaro in halkan looga codeeyo maaha, inuu Maxkamadda u diro in halkan looga codeeyo maaha, inuu keeno in Gobolada qaar ka tixgeliyo inuu halkan keeno maaha, halkan waxa looga codeeynayaa waar Doorashadii wakhtigeedii ku qabsoomi mayso saami qaybsigii lama dhamayn karee labadii Doorasho ha la kala qaado, waa intaas oo waad arkayseen Guddoomiyuhu markii aanu u soo jeedinay waxa loo codeeynayaa waa maxay si sax ah ayuu ugu dhawaaqay, wuxuu yidhi labadii Doorasho lama qaban karo ee iyadoo sababahaas Madaxweynuhu sheegay ay jiraan haddana waxaan ognahay, labadii Doorasho ha la kala qaado tii Madaxweynuhu wakhtigeedii ha ku dhacdo, tii baa loo codeeyey waxa uu ka daba keenayna waad arkayseen, wuxuu yidhi Digreetada Madaxweynaha oo isku dhan oo qodobadan aararta ah oo wax alaale wax naga khuseeya aanay jirin in Maxkamad loo daro iyo in Guddi loo saari iyo in saamiyada Gobolada qaar la tixgeliyo Golahan ma khuseeyso,Golahan waxa khuseeya oo qudha labadii Doorasho ma kala qaadna mise sideedii baanu ku daynaa, marka waa wax laga soo shaqeyey, oo isagii baa is burinaya, ma jecli in aan Guddoomiyaha la murmo, waa in aan ixtiraamo oo waa nin aanu saaxibo nahay, su’aasha waanu weydiinay, ee sida uu uga jawaabay kuma adkaysan imikana waxaan leeyahay waxa Golaha ka baxaya ha noqoto kala qaadista, kala qaadistaas oo lafteedu shuruudii ku xidhan tahay”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlayey hadalo hore uga dhacay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayaa yidhi "Xukuumadda iyo Madaxweynuhu kontan jeer wey ka badan tahay inta jeer ee meelo fagaare ah ay ka yidhaahdeen Doorashadu dib u dhici mayso oo wakhtigeedii baanu ku qabanaynaa, anagu kamaanu yeedhsiin cid kalena kamay yeedhsiin, iyagaa intay fikireen oo lafa gureen gartay, waxay haddana garteen inay buriyaan iyagii wixii ay meel walba ka sheegeen laba beenood qolo tidhi waanu is dhaarsanaynaa oo aynu heshiino,nin baa yidhi dhaar haddii awalkeeda iyo akhirkeeda martaan waa walaahi engag ah oo idin aamini mayno, meeshi walaahi engag baa ka muuqda, nimankii dhaartay ee yidhi Doorashada waanu qabanaynaa, maantan tan bay ka tageen, ayaa damaanad qaadaya waxa halkaas ka socda waad arkaysaan ee baritana in aanay iman doonin Doorashadii Madaxweynaha wax baa u dhiman oo maanta Golihii sidu u dhaqmayo waad arkaysaan ee yaa damaanad qaadaya, balamihii hore iyo dhaarihii hore walaalhi angag ayey noqdeen, Xukuumadda labatanka jeer ama sodonka jeer balanqaaday in Doorashadu maalin dib u dhici doonin ee maanta tan keentay, ayaa damaanad qaadaya in baritana aanay ta kalena ku xigin, maxa Shacabkan u damaanad ah, maxa Golahan u damaanad ah,su’aasha meesha taala weeye”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Siday tan maanta ugu dhiiradeen ee sida yar ee fudud Golaha u marsiiyeen ee laga soo shaqeyey, ee waliba looga soo shaqeyey sidii looga soo shaqeyey heshiiskii DP, farsamada lafteedii baa looga soo shaqeeyey yaa aaminaya oo dhaarta ku qancaya in aanay mar dambe dhici doonin, su’aasha dadka u taala waa taas, anagu wixii duruufi keento ma diidanin oo waa Kiniinkaas qadhaadh oo waa la liqayaa, laakiin se in mid ka sii qadhaadhi soo socdo, oo la yidhaahdo biyo la’aan ku liqa yaa damaanad qaadaya,nin weyn oo dhaartay oo dhaartii ka baxay waa geed qolofi ka dhacday, anagu waxaanu leenahay ha la is daba qabto, shacbigan, dalkan iyo dadkan damaanad xoog ah ha la siiyo in Doorashada Madaxtooyaduna aanay dib u dhici doonin, sidaas yar ee fudud ee maanta tan looga talaabsaday ee looga soo shaqeeyey yaan Doorashada Madaxtooyada looga talaabsan”.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi "Waxay ahayd Madaxweynuhu inuu keeno kala saarista labada Doorasho oo kaliya, may ahayn inuu galo oo uu Digreediisa ku soo lifaaqo waxyaabo aan loo baahnayn, iyo Guddiba, tusaale ahaan dadka laga tirada badan yahay iyo haweenku waa arin u baahan in Dastuurka la furo, oo wixii ay xagga u leeyihiin Dastuurka lagu xuso, sida muuqatana Madaxweynuhu wuxuu eedd dusha ka saaray Shirgudoonka Golaha Wakiilada, balse waxa cad oo marag madoon ah in Xukuumaddiisu ku fashilantay, oo Maxkamadu waxay xukuntay in Doorashadii 2005 qaabkii loogu galayey in aan lagu galin Doorashada Wakiilada, markaas hadda lix sanno ayuu dalka Madaxweyne ka ahaa ee muxuu xal uga gaadhi waayey waxna uga qaban waayey, waxaan leeyahay wax kale ayaa ku jira ee bal yaanay Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda dhaafin”

 

Xigasho Geeska.