War Deg Deg Ah:Dhageysiga Dacwadii U Dhaxay Dhinacyada Xisbiga Ucid Oo Hada Ka Furantay Maxkamada Sarre

0
Sunday September 18, 2016 - 13:14:20 in by Burco Office
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Dhageysiga Dacwadii U Dhaxay Dhinacyada Xisbiga Ucid Oo Hada Ka Furantay Maxkamada Sarre

    Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa saaka bilawday dhagaysashada dacwadii udhaxaysay labada garab ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa saaka bilawday dhagaysashada dacwadii udhaxaysay labada garab ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid.

Waxaana dhagaysiga dacwadan ka soo qayb galay labada garab ee ay dacwadu udhaxayso oo ay kala hogaaminayaan musharaxa madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali waraabe iyaga oo ay weheliyaan dhan walba qareenkiisu.

Sidoo kale waxaa jooga gudoomiyaha maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali.

Waxaana la rajaynayaa waxa ay dacwadani ku soo dhamaan doonto.

Dacwadan ayaa maalmihii ugu dambeeyay goobaha bulshadu ku kulmaan ay hadal haynta dacwadani ku badnayd.

Dacwadan ayaa timid kadib markii uu gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe uu rafcaan ka qaatay go’aamadii ay soo saareen gudida kala saarida ururada Siyaasada Somaliland.