Magaca iyo Sawirka Wiil Soomaali ah oo ka Dambeeyay Weerarkii Minnesota oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

0
Monday September 19, 2016 - 11:49:25 in by Burco Office
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaca iyo Sawirka Wiil Soomaali ah oo ka Dambeeyay Weerarkii Minnesota oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

    Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegay in Weerarkii shalay ka dhacay xarun ganacsi oo kutaala magaalada St.Could ee gobalka Minnesota uu ka dambeeyay Wiil asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegay in Weerarkii shalay ka dhacay xarun ganacsi oo kutaala magaalada St.Could ee gobalka Minnesota uu ka dambeeyay Wiil asalkiisu Soomaali yahay balse heesta dhalashada dalkaasi. Wiilkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Dahir Ahmed Adan, oo 22-sano jir ahaa ayaa midi ku weeraray xarunta ganacsi ee Crossrods Center Mall ee magaalada St.Could, waxa uuna weerarkan ku dhaawacay sagaal qof kahor inta aanan la toogan.

Warbaahinta Mareykanka qaarkood ayaa qorayay in Wiilkan Soomaaliga ah kahor inta uusan dadka midida ku dhufan uu weediinayay in uu Muslim yahay, waxaana wiiljan markii dambe dilay sargaal xarunta ganacsi ka dukamaeesanayay balse aan shaqada ciidanimo ku jirin.

Jaaliyada Somaaliyeed ee kunool magaalada St.Could ee gobalka Minnesota ayaa si weyn uga naxday una cambaareesay weerarkan qasaaraha dhaliyay uu geestay wiilkan Soomaaliyeed ee kunoolaa magaaladaasi.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in Ninkan Soomaaliga ah ee weerarka fuliyay uu katirsanaa ciidankooda, waxaana wali socda baaritaano booliiska Mareykanka kusameenayaan weerarkan tooreyda loo adeegsaday uu geesay wilkan Soomaaliyeed.

Aabaha dhalay Wiilkan Weerarka geestay oo lagu magacaabo Ahmed Aadn ayaa iska fogeeyay weerarka uu wiilkiisa geestay,waxa uuna cadeeyay in uusi weyn uga soo horjeedo falkan argagaxa leh uu geestay wiilkiisa.

Dahir Ahmed Adan ayaa ku dhashay magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxa uuna wiilkan dalka Mareykanka tagay 15-sano kahor, Dahir ayaa dhiganayay Jaamacada St.Could University, waxa uuna xiliyada dambe ka shaqeyn jiray shaqo Waardiye ah.