Bog Facebook oo lala xiriirshay weerar dhawaan saldhig boolis lagu qaaday Mombasa

0
Monday September 19, 2016 - 12:05:10 in by Burco Office
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bog Facebook oo lala xiriirshay weerar dhawaan saldhig boolis lagu qaaday Mombasa

    Baaritaano lagu sameeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhigga booliska ee dhexe ee Mombasa ayaa muujiyay bog Facebook ah kaasoo laga yaabo inuu xag jir ka dhigay 3dii gabdhood ee weerarkaa qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaano lagu sameeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhigga booliska ee dhexe ee Mombasa ayaa muujiyay bog Facebook ah kaasoo laga yaabo inuu xag jir ka dhigay 3dii gabdhood ee weerarkaa qaaday.


Tasnim Yacquub, Maymuuna C/Raxmaan iyo Ramla C/Raxmaan ayaa waxaa toogasho ku dilay biliiska kadib markii ay weerareen saldhiggaa oo askari boolis ah ay mindi ku dhaawaceen. Waxaa sidoo kale la sheegay in ay walxo qarxa wateen.

Weerarkaa ayaa dhacay 11kii bishaan oo ku beegnayd Axadii aanu soo dhaafnay tii ka horeysay iyo weerarkii 9/11.

Boggaa ayaa waxaa la sheegay in uu wixii dad aan Muslim ahayn weerara inay janno galayaan u ballan qaado!

Boggaa Facebook ayaa waxaa lagu magacaabaa Sisters of Jannah – oo macnahu yahay Gabdhaha Walaalaha ah ee Janada.

Sidaa ayaa waxaa boolisku sheegay in gabdho badan oo da' yar kooxaha hubeysani inay ku duufsadaan.