War deg deg ah:Wasiirudawlah Maaliyadda Md.Cadaani oo Qaliin Dhinaca Wadnaha ah Gelaya Markii 2aad iyo Codsi uu Bulshadiisa u dirayo

0
Saturday June 07, 2014 - 08:29:05 in by Super Admin
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah:Wasiirudawlah Maaliyadda Md.Cadaani oo Qaliin Dhinaca Wadnaha ah Gelaya Markii 2aad iyo Codsi uu Bulshadiisa u dirayo

    Wasiiru-dawlahaMaaliyadda Somaliland Md-Cismaan C/laahi Saxardiid "Caddaanni" oo muddooyinkanba xaalad caafimaad u joogey magaalada Minneapolis ee carriga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in bukaankiisu yahay dhinaca wadnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru-dawlahaMaaliyadda Somaliland Md-Cismaan C/laahi Saxardiid "Caddaanni" oo muddooyinkanba xaalad caafimaad u joogey magaalada Minneapolis ee carriga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in bukaankiisu yahay dhinaca wadnaha  islamarkaasna uu gelayo dhowaan qalliinkii labaad ee wadnaha lagaga samaynayo.

"Waxan gelayaa qalliin wadnaha ah waana markii labaad ee wadnahayga lagu sameeyo qalliinkan”. Ayuu yidhi Wasiir-Caddaanni oo qaar ka mid ah warbaahnta madaxa bannaan khadka telefoonka kula hadlay. 

Wuxuna Wasiiru-dawluhu intaas kusii daray "Idinkana (Saxaafadda) waxan idinka codsanayaa bulshadeenna guud ahaan meel kastoo ay joogtoba iga gaadhsiisaan inay iisoo duceeyaan in qalliinkan Eebbe ii fududeeyo”.

Wasiiru Dawladda Maaliyadda JSL Md Caddaani ayaa Qalliin lagu samaynayaa xilli xaaladiisa caafimad aanay wanaagsanay muddooyinkan u danbeeyey isla markaasna uu ku jire Fasax shaqo iyo Dhakhtar, Haddaba Dhammaanba Maamulka iyo Shaqaalah Shebekedda Afkashacabka.com Waxay ilaahay uga baryayaan inu fuduudeeyo wasiirka Qalliinkaasii uu sheegay in Mar 2aad Gelayo, kuna soo noqdo Dalkii isagoo caafimaad qaba.






Contact@afkashacabka.com