"Madaxweynaha Lama Diri Karo Qof La Dirana Wuu Ka Wayn Yahay .."Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.

0
Saturday June 07, 2014 - 12:09:42 in by Super Admin
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha Lama Diri Karo Qof La Dirana Wuu Ka Wayn Yahay .."Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha.

    Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista Md:Maxamed Cali Aadan ayaa ka jawaabay eedayn uu ujeediyay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Aadan Axmed Warsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista Md:Maxamed Cali Aadan ayaa ka jawaabay eedayn uu ujeediyay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Aadan Axmed Warsame


Kaas oo xilkii laga qaaday todobaadkii ina dhaafay isagoo ku eedeyey wasiirku in agaasimuhu ka dambeeyo xil ka qaadistiisa isla markaana uu isagu madaxwaynaha ku diray arrinkaas oo agaasimuhu si adag uga hadlay isla markaana uu ku sheegay hadalo deelqaad oo wasiirki hore u badheedhay, waxaana hadalladiisi ka mid ahaa 


”Madaxwaynuhu Wasaarad Walba wuu ka warhayaa wax walbana wuu ogyahay nin la soo dirana madawxwaynuhu wuu ka waynyahay markaa ninkaa arrnikiisa anigu ku talax tegimaayo laakiin waxan idn sheegaya in arrimaahs aana waxba ka jirin idnkuna wad ogayden in ninkani shaqadiisii ku fashilmay”

 

 

Agaasimaha oo aanu wax ka waydiinay obocda khilaafka udhexeeyay isaga iyo wasiirkii hore ayaa sheegay in arrinta khilaafka udheexayay isaga iyo wasiirku ay kaliya ku salaysnayd shaqada taasoo sida uu sheegay aanay wax qarsoon ahayn in wasiirku xilkiisii gudan waayay taasina ay tahay salka khilaafka labadooda.

Agaasimaha oo aanu wax ka waydiinay inuu la daalamay askarigii xafiiska ilaalinayay ayaa sheegay in arrnitaasi ay waxba kama jiraan tahayWaxan uu yidhi "Arrintaaas wax ka jiraa ma jiraan xafiiska wax yimi koox ka socota hay’da shaqaalaha xafiiskuna uu qufulanyahay iyagaii ayaad waraysan kartaa markaa waa loo yeedhay anna wan imi kaladhka ayuu igu dhagay waana marag ma doon taasi”






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com