Xarakada Al-Shabaab Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliya Laga Qaban-qaabinayo

0
Tuesday September 20, 2016 - 00:48:48 in by Burco Office
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-Shabaab Oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Doorashooyinka Somaliya Laga Qaban-qaabinayo

    Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin adag ka soo saartay doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban-qaabinayso magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin adag ka soo saartay doorashada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaban-qaabinayso magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.
Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi siiyey warbaahinta kooxdaas taageerta ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan doorashooyinka Dadban iyo go’aanka uga degsan kooxda Al-Shabaab.

"Go’aanka Mujaahidiinta ay ka qaateen doorashadaas waa dagaal iyo dil" ayuu yiri Afhayeenka oo intaa ku daray in qaban qaabada doorashooyinkan ay yihiin ajendayaal gumeysi oo aysan aqbaleynin, kana hortagayaan.

Afhayeenka ayaa baaqay odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka inaysan noqon jaranjaro lagu fuulo meesha la rabo ka dibna la iska tuuro sidii buu yiri horay u dhacday xilligii ay gabegabada maraysay dowladdii uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

"Mujaahidiintu waxay shacabka soomaaliyeed uga digayaan inay ka qeyb galaan doorashooyinka ay soo qaban qaabisay kooxda Ridada" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wuxuu sheegay in doorashadan looga gol-leeyahay wax uu ku tilmaamay gaaleysiinta shacabka Soomaaliyeed isla markaana la doonayo in dalka looga dhaqan geliyo qaanuuno fasaxaya macsida iyo isguursiga dadka iskun jinsiga ah sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa ka hadlay nidaamka Federaalka oo uu sheegay inuu yahay qorshe ujeedka laga leeyahay ay tahay kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay sii kala geeyeen maamuladii ay iyagu dhiseen, kuwaasoo uu xusay in looga taliyo Addis Ababa iyo Nairobi.

Sheekh Cali Dheere ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab ku booriyay in ay weeraro ku qaadaan goobaha lagu qabanayo doorashooyinka dadban ee Dowladda Federaalka wado isla markaana ay beegsadaan kuwa qaban-qaabinaya.

Hadalka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili ay meel xasaasi ah u marayaan qaban-qaabada doorashooyinka dadban ee dalka ka dhacaya dhowaan ka dib markii uu dhamaaday xiligii dastuuriga ahaa ee madaxda dowlada Somalia loo qorsheeyey iney dalka maamulaan.