Ninkii ka dambeeyey qaraxii New York oo la qabtay isagoo dhaawac ah +Sawirro)

0
Tuesday September 20, 2016 - 01:29:00 in by Burco Office
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii ka dambeeyey qaraxii New York oo la qabtay isagoo dhaawac ah +Sawirro)

    Ahmad Khan Rahami oo ahaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyey qaraxa habeen hore ka dhacay magaalada New York ayaa boolisku uu qabtay ka dib markii lagu dhaawacay israsaaseyn ka dhacday halka loo yaqaano Linden New Jersey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmad Khan Rahami oo ahaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyey qaraxa habeen hore ka dhacay magaalada New York ayaa boolisku uu qabtay ka dib markii lagu dhaawacay israsaaseyn ka dhacday halka loo yaqaano Linden New Jersey. Muuqaal muujinaya isagoo lagu wado sariirta caafimaadka degdega ah ayaa laga sii daayey qaar ka mid ah Telefsihinada Maraykanka, iyadoo dhinaca kale Labo askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen rasaasta la isweydaarsaday.

Linden ayaa in ka badan 6-km koonfur galbeed kaga toosan magaalada Elizabeth oo waxyaabo kale oo qarxa laga helay Axadii la soo dhaafay.

Ninkan oo u dhashay dalka Afghanistan ayaa qaatay dhalasho Maraykan ah, waxayna FBI-du uga shakisan tahay qaraxii Sabtidii ka dhacay degmada Manhatan oo ka tirsan magaalada New York, iyadoo booliiska ay baarayaan hoygiisa oo ku yaalla Elizabeth.

Qaraxa ka dhacay xaafada Chelsea ee Manhattan waxaa ku dhaawacmay 29 qof, iyadoo Waxyaabo kale oo aan qarxin laga helay meelo kala duwan kuwaasoo cidina aysan waxyeelo ka soo gaarin.