Hargaysa:Madaxweynaha Somaliland Oo Dikreeto Ku Magacaabay Guddida Sare Ee Jaamaca Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo SummadeeduJSL/M/XERM/249-4264/092016tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.
Madaxweynuhu:
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Ku Qancay:In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa);
Wuxuu go’aansaday;
In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:
-
Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
-
Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
-
Abdillaahi Ibraahin Habane Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
-
Cali Cabdillaahi Daahir Madaxa ICT Commission-ka.
-
Liibaan Ismaaciil Maxamuud Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
-
Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Duqa Caasimadda Hargeysa.
-
Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
-
Maxamed Faarax Xirsi Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
-
Cabdirashiid Maxamed Siciid Ganacsatada.
-
Cabdikariin Maxamed Iid Ganacsatada.
-
Suldaan Axmed Daahir Muuse Culimada.
Hargaysa:Madaxweynaha Somaliland Oo Dikreeto Ku Magacaabay Guddida Sare Ee Jaamaca Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo SummadeeduJSL/M/XERM/249-4264/092016tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka koob