Madaxwaynaha Somaliland Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Safray Dalka Ingiriiska

0
Tuesday September 20, 2016 - 16:30:24 in by salman abdi
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Somaliland Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo U Safray Dalka Ingiriiska

    Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa socdaal shakhsi ah ku tagi doona dalka ingiriiska maanta oo Salaaso ah ama Arbacada barri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa socdaal shakhsi ah ku tagi doona dalka ingiriiska maanta oo Salaaso ah ama Arbacada barri.


Inkastoo socdaalka Madaxwaynuhu yahay mid shakhsi ah hadana sida ay sheegayaan xogo uu helay wargayska Somalilandtoday waxaa la filayaa inay socdaalkiisa ku wehelin doonaan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka xanaanada xoolaha.

Sidoo kale waxaa safarka madaxwaynaha qayb ka noqon doona xoghaya gaarka ah ee Madaxwaynaha iyo marwada koowaad ee qaranka Marwo Aaminsa Waris Sheekh Maxamuud Jirde, lamana garanayo inta uu qaadan doono safarka Madaxwaynuhu waxaase la filayaa inuu laba todobaad ku maqnaan doono dalka UK.

Balse arrinta xiisaha leh ayaa ah in safarka Madaxwaynuhu ku soo beegmay xilli uu khilaaf wayni u dhexeeyo beesha caalamka iyo xukuumadda Somaliland, waxaana ay u muuqataa in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladaha saaxiibka la ahi uu marayo halkii uu ugu xumayd iyadoo ay muuqato in si toos ah labada dhinac u kala gurteen maadaama xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday inay kharashka doorashada iyadu iska bixinayso.