Fardaha Kooxda Chelsea Oo Guul Ka Gaadhay Leicester City Iyo Fabregas Oo Laba Gool Isku Xusuusiyay Antonio Conte

0
Wednesday September 21, 2016 - 10:03:53 in by Burco Office
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fardaha Kooxda Chelsea Oo Guul Ka Gaadhay Leicester City Iyo Fabregas Oo Laba Gool Isku Xusuusiyay Antonio Conte

    Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaadhay kooxda Leiciester City oo laba gool uga hormartay qaybtii hore ee kulankan, waxayna Chelsea si ay guushan u gaadho ubaahatay in waqti dheeri ah lagu daro kulankii King Power Stadium iyada oo dhamaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaadhay kooxda Leiciester City oo laba gool uga hormartay qaybtii hore ee kulankan, waxayna Chelsea si ay guushan u gaadho ubaahatay in waqti dheeri ah lagu daro kulankii King Power Stadium iyada oo dhamaadkii waqtigii rasmiga ahaa kaadhka cas loo taagayMarcin Wasilewski taas oo keentay in Foxes ay 30 daqiiqo ku ciyaartoy 10 ciyaartoy.


Chelsea ayaa ka faa’iidaysatay fursada ay heshay waxayna waqtigii dheeriga ahaa ku garaacday Leicester City iyada oo Fabregas uu laba gool dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa si uu doorashada ugu adkeeyo Antonio Conte. Gary Cahill iyoCesar Azpilicueta ayaa Blues u keenay goolasha ay ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uuShinji Okazaki laba gool kaga yaabsaday Blues. Waxayna Chelsea guushan ku soo gaadhay 4:2 iyada oo iska xaadirisay wareega afraad ee Leaque Cupka.

chelsea

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LEICESTER CITY(4-4-2):Zieler, Simpson, Morgan, Wasilewski, Chilwell, Gray, King, Drinkwater,Schlupp,Okazaki,Musa

KAYDKA:Hamer, Benalouane, Amartey, Mahrez, Kapustka, Vardy, Ulloa

CHELSEA(4-2-3-1):Begovic, Azpilicueta, Cahill, David Luiz, Alonso, Moses, Fabregas, Matic, Pedro, Loftus-Cheek, Batshuayi

KAYDKA:Courtois, Aina, Chalobah, Kante, Willian, Hazard, Diego Costa

Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilawday qaab ciyaareed xamaasadaysan iyada oo waliba Chelsea ay u muuqatay kooxda goolka furitaanka laga filan karayay laakiin weerarka deg dega ah ee ay Leciester City caanka ku tahay ayaa dhibaato wayn ku abuurayay difaaca Blues. Waxa uu ahaa kulan adag isla markaana ay labada kooxood ku doonayeen in ay ka soo gudbaan wareega saddexaad ee Leaque Cupka.

Daqiiqadii 5 aad Chelsea ayaa shabaqa Leicester City soo taabtay kadib markii uu Pedro shaqo fiican soo qabtay balse dabaal dega Blues ayaa la soo gaabiyay kadib markii uu calanwaduhu tilmaamay in ay offside ahayd waxaana sidaa meesha looga saaray wax markii hore u muuqday goolka furitaanka Blues.

DAQIIQADII 9 AAD SHEEGASHO REKOODHE! Chelsea ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii xidiga Leicester City eeMarcin Wasilewski uu isku dayay in uu kubbad madax iskaga saaro balse ay gacanta kaga dhacday waxaana garsooraha in ay rekoodhe tahay u sheegayMichy Batshuayi basle garsooreBobby Madley ayaan waxba tilmaamin inkasta oo ay cadaan ahayd in Marcin ay kubbadu gacanta kaga dhacday.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Kooxda martida loo ahaa ee Leicester City ayaa weerar qurux badan oo ay soo dhistay kula timid goolkeeda furitaanka laakiin difaaca Blues iyo goolhaye Begovic ayaa sameeyay qalad wayn iyada oo waliba Begovic uu si caajis ah kubbada isaga ilaalin waayay, waxaana Blues qaladkooda ku ciqaabayShinji Okazaki, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Foxes hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Jamaahiirta Leicester City ayaa xamaasadoodu cirka qabatay waxayna dhiiro galin wayn u sameeyeen kooxdooda oo goolkii furitaanka heshay wuxuuna goolkani kalsooni wayn siiyay Leicester City oo markan ku dhiiranaysay in raadiso goolkeeda labaad halka Blues ay bilawday in ay baadi goob u gasho goolka barbaraha.

DAQIIQADII 35 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOOL!Shinji Okazaki ayaa markale dhibaato wayn ku noqday difaaca Chelsea iyo Begovic wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho goolkeeda labaad , waxaana marka hore khadka dhexe kubbad ku lumiyay Pedro iyada oo King uu kubbad qurux badan u bixiyayShinji Okazaki si uu goolkan udhaliyo, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Leicester City hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Chelsea ayay xaaladu ku sii xumaatay laakiin kooxda Antonio Conte ayaan ka daalin in ay raadiso dariiqii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd waxayna abuurtay fursado fiican iyada ooMichy Batshuayi uu fursadii ugu halista badnayd ee ay Blues ciyaarta ugu soo laaban lahayd uu lumiyay. Si kastaba Blues ay doonaysay in ay natiijada ciyaarta wax ka badasho ka hor inta aan nasashada loo bixin.

DAQIIQADII 45 GOOOOOOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa kaga dhabaysay dadaalkeedii ahaa in ay ugu yaraan qaybta hore soo yarayso farqiga goolasha looga naxsaday waxaana dhamaadkii qaybtii hore ee kulankan Blues goolkeeda furitaanka udhaliyayGary Cahill kaas oo gool madax ah ku dhaliyay darbo koorne ahayd oo uu Fabregaas si fiican u soo tuuray, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay wali Leicester City hogaanka ciyaarta ku hayso natiijadan ayayna qaybta hore ku dhamaatay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Chelsea ayaa soo laabtay iyada ku socota qaab ciyaareed cajiib ah isla markaana canaantii Conte ay dhagahooda ka sii yeedhayso. Chelsea ayaa markiiba bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laaban karto. Leicester City ayaa iyaduna dhibtaato dareentay waxaana markiiba la filan karayay goolka barbaraha ee Blues.

 

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Ayaa u Baahan Gool dhaliye! Chelsea ayaa heshay goolkeeda barbaraha ee ay ciyaarta dib ugu soo laabtay laakiin markii labaad waxaa Blues badbaadiyay difaacii labaad waxaana gool layaableh Blues barbaraha ugu keenayCesar Azpilicueta kaas oo kubbad qurux badan ka dhaliyay meel goolka Leicester City u jiray 20 yards wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 2:2 ah, waxanaa dib u bilaabantay ciyaarta.

Chelsea ayaana sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican iyada oo markan aamintay in ay la iman karto goolkeeda saddexaad laakiin sidoo kale Foxes ayaa bilawday in ay walwalto balse waxay wali dagaal ugu jireen in ay raadaan goolka saddexaad si ay markale Chelsea dhibaato ugu abuurto.

DAQIIQADII 70 AAD GOOOOOOOOO…. MAYA! Ma rumaysan kartid fursada uu Diego Costa oo qaybtii danbe kulankan badal ku soo galay uu kooxdiisa ka lumiyay isaga oo kubbad cajiib ah ka helay David Luiz isla markaana kubbad fool-ka-fool ah ugula soo baxay goolka Leicester City laakiin darbada goolka loo fishay ayaa birta wax yar u martay. Alla maxay fursad dahabi ah ahayd.

DAQIIQADII 74 GOOOOOOOOOOO…. MAYA MARKALE! Haddii uu Costa lumiyay fursad dahabi ah waxaa markale fursad aan la rumaysan karin Leicester City ka badbaadiyay Begovic kaas oo sameeyay badbaadin layaableh kadib markii uu Ahmed Musa kubbad cajiib ah kula soo baxay goolka Chelsea, qof kastaaba waxa uu fishay goolka saddexaad ee Leicester laakiin Begovic oo labadii gool ee hore si liitay looga dhaliyay ayaa sameeyay badbaadin xaqiiqdii cajiib ahayd.

Xamaasada ciyaarta ayaa noqotay mid khaas ah waxayna markan Leicester City bilawday in ay saamaynteeda la soo baxdo iyada oo labada kooxoodba laga filan karayay goolka guusha. Ciyaarta ayaa gashay xaalad waali ah oo ay koox kastaaba wadnaha farta ugu haysay in goolka saddexaad laga dhaliyo.

DAQIIQADII 89 AAD MUSIIBO KAADHKA CAS AH! Waxaana kaadhka cas loo taagayMarcin Wasilewski kaas oo garoonka badhtankiisa meel aan muhiimad wayn lahayn qalad ugu galay Costa isaga oo waliba haystay kadhka digniinta ah, waxaana Liester City lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy xili ay ciyaartu maraysay meeshii ugu xamaasada badnayd.

Chelsea ayaa si xoogan u raadinaysay goolka guusha laakiin Leicester City ayaa awooday in ay ciyaarta u dirto waqti dheeri ah isla markaana ay 30 daqiiqo oo dheeri ah ku sii ciyaarto 10 ciyaartoy taas oo faa’iido u ahayd kooxda martida ahayd ee Chelsea. Waqtigii rasmiga ahaa ee kulankan aya ku dhamaaday barbaro 2:2 ah.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

Wax kastaaba si de deg deg ah ayay isku badaleen waxayna Leicester City markiiba dareentay dhibaatada ciyaartoygii casaanka laga siiyay halka Chelsea ay bilawday in ay fursadeeda ka faa’iidaysato isla markaana ay awooda iskugu gayso in ay dhibaato ku abuurto difaaca Foxes.

DAQIIQADII 92 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Chelsea ayaa markiiba la timid goolkeeda saddexaad ee hogaanka ciyaarta markii ugu horaysay kula wareegtay, waxaana gool si laayaableh looga shaqeeyay dhamaystirayCesc Fabregas kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:2 ay Blues markeeda hogaanka ciyaarta ku qabtay. Waxaa cajiib ahayd qaabkii Diego Costa, Eden Hazard iyo Fabregas iskugu xidhmeen si ay udhaliyeen gool heer caalami ah.

DAQIIQADII 94 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Antonito Conte ma idareentay! Laba daqiiqo iyo 29 ilbidhiqsi kadib goolka hore ayuuCesc Fabregas markale saamayntiisa la soo baxay isaga oo Antonio Conte tusay waxa uu kooxdiisa ku soo kordhin karo wuxuuna xidiga ree Spain dhaliyay goolkii afraad ee Blues si uu ciyarta uga dhigo 4:2 ay Blues ku heshay goolka kalsoonida.

Leicester City ayaa u muuqday mid dhibtu gaadhay isla markaana waxay ku dhibtoonaysay waqtigii dheeriga ahaa ee kulankan oo ay toban ciyaartoy oo kaliya ahayd. Laakiin Blues ayaan wax naxariis ah u muujin kooxdii labada gool kaga hormartay qaybtii hore ee kulankan. Laakiin labada gool ee uu Fabregas sida deg dega ah udhaliyay ayaa Conte ku qasbi doonta in uu dib uga fikiro in uu Fabregas kaydka ku ilaaway.

Ugu danbayn 120 kii daqiiqo ee kulankan la ciyaaray ayaa ku dhamaaday 4:2 ay Chelsea ku gaadhay guul soo laabasho ah iyada oo sidaa ugu soo baxday wareega afraad ee Leaque Cupka waxayna kula biirtay kooxaha Liverpool iyo Arsenal waxaana la sugi doonaan jawaabta ay bixiyaan kooxaha ree Manchester