Cabsi lasoo daristay Soomaalida Minnesota kadib dhacdadii ninka Soomaaliga ah dadka ku tooriyeeyay

0
Wednesday September 21, 2016 - 11:45:41 in by Burco Office
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabsi lasoo daristay Soomaalida Minnesota kadib dhacdadii ninka Soomaaliga ah dadka ku tooriyeeyay

    Minneapolis (AFKA)- Cabsi xoggan ayaa Soomaalida gobolka Minnesota Mareykanka lasoo daristay kadib dhacdadii maalin dhaweyd nin Soomaali ah uu ku tooriyeeyay dad meel ka dukaamaysanaayay magaalada St. Cloud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis (AFKA)- Cabsi xoggan ayaa Soomaalida gobolka Minnesota Mareykanka lasoo daristay kadib dhacdadii maalin dhaweyd nin Soomaali ah uu ku tooriyeeyay dad meel ka dukaamaysanaayay magaalada St. Cloud.


Soomaalida ayaa ka baqanaaya in laga aar goosto maadaama ninka falkaa ku kacay uu ahaa Soomaali. Ninkaa ayaa markii dad badan uu mindiyeeyay waxaa toogtay nin boolis ahaa oo halkaa ayuu ku dhintay.

Si kastaba hoggaamiyeyaasha bulshada ee Soomaalida gobolkaa ayaa ku baaqay in Soomaalida aan la bartilmaansan maadaama Soomaali iyo Muslimiin aysan lahayn dambiileyaasha dambiyada gala oo cid kasta ay noqon karaan!

Ninkaa yaa Sabtidii lasoo dhaafay 10 qof mindi ku dhaawacay ka hor intii aan toogasho lagu dilin.

Ninkaa oo dhallin yaro ahaa ayaa la sheegay inuu wax badan kunoolaa Mareykanka.

Ninkaa ayaa waxaa la oran jiray Daahir Aadan waxaana da’diisa lagu sheegay 20 sano jir.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu ahaa waardiye iyo arday machad wax ka dhigan jiray.

Soomaalida gobolka Minnesota ku nool ayaa laga soo bilaabo 1991 kusoo ququlaayay halkaa dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya dartii.