Amar Cusub oo ka dhan ah Musharaxiin ku soo fool leh Muqdisho oo ka soo baxay dowlada Somalia

0
Thursday September 22, 2016 - 01:45:38 in by Burco Office
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar Cusub oo ka dhan ah Musharaxiin ku soo fool leh Muqdisho oo ka soo baxay dowlada Somalia

    Dowlada Somalia ayaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka mamnuucday garoonka dayuuradaha Aadan cadde muddo labo bilood ah oo ku aadan xiliga ay doorashooyinku ka dhacayaan dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Somalia ayaa qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka mamnuucday garoonka dayuuradaha Aadan cadde muddo labo bilood ah oo ku aadan xiliga ay doorashooyinku ka dhacayaan dalka.

Amarkan ayaa ka soo baxay Maareeyaha Guud ee Garoonka Dayuuradaha Aadan cadde, waxaana lagu soo beegay xili maalmaha soo socda ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin musharaxiin miisaan culus leh oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii iyo raisul wasaarihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Talaabadan ayaa loo arkaa mid dowlada Somalia ay ku carqaladeyneyso ololaha musharaxiinta dalka ku soo laabanaya oo taageerayaashoodu qorsheynayeen iney soo dhoweyn sare u sameeyaan, waxaana lagu tilmaamay go'aankan caburin iyo ciriiri la geliyo ololaha doorashada ee musharaxiinta dalka ku soo soo foolka leh.

Warqada kasoo baxday maamulka garoonka dayuuradaha Aadan cadde oo la aminsan yahay iney ka dambeeyaan madaxda sare ee dowlada ayaa u qorneyd sidatan:-