Daawo Sawiro:Maqaayad ku taalla gobolka Minesota ee dalka Maraykanka oo Muslimiinta laga mamnuucay

0
Thursday September 22, 2016 - 01:52:20 in by Burco Office
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawiro:Maqaayad ku taalla gobolka Minesota ee dalka Maraykanka oo Muslimiinta laga mamnuucay

    Maqaayad ku taalla magaalada Londdale oo ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa laga mamnuucay iney soo galaan dadka muslimiinta ah ee halkaas ku dhaqan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaayad ku taalla magaalada Londdale oo ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa laga mamnuucay iney soo galaan dadka muslimiinta ah ee halkaas ku dhaqan.

Waxaa maqaayada horteeda la suray boor uu ku qoran yahay "Muslims Get Out" oo micneheedu yahay "Muslimiiney Dibadda u Baxa"























Dan Ruedinger oo ah miilkiilaha Maqaayadan oo wareysi siinayey TV-ga Foxnews ayaa sheegay inuu talaabadan qaaday ka dib markii uu ka carooday wiil Soomaali lagu magacaabi jiray Daahir Cumar Aadan oo maalmo ka hor goob laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada St. Cloud toban ruux oo Maraykan ah ku dhaawacay, ka hor inta aan la toogasho lagu dilin.

St. Cloud ayaa 157-km u jirta halka maqaayaddu ku taal oo la yiraahdo Londdale.

"Uma arko arintan iney tahay mid qalad, waan ku saxanahay maxaa yeelay waxaan ilaalinayaa amniga macaamiisha maqaayada" ayuu yiri Dan Ruedinger.

Hase ahaatee talaabada uu qaaday milkiilaha Maqaayadan ayaa waxaa si weyn u cambareeyey bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Minesota, iyagoo ku tilmaamay mid cunsurinimo ah oo lagu faquuqayo Muslimiinta.

Warbaahinta Maraykanka ayaa si weyn u hadal haysa talaabada maqaayadan gobolka Minnesota ku taalla looga mamnuucay dadka muslimiinta ah oo noqotay arrin ku cusub wadankaas.

Muslimiinta ku dhaqan wadanka Maraykanka gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minesota oo Soomaali u badan ayaa waxaa soo food saaray culeys iyo cabsi badan oo la xiriira dhinaca amaankooda tan iyo markii dhowaan wiil Soomaali ah oo toorey ku hubeysnaa uu 9 qof ku dhaawacay magaalada St. Cloud.