Kooxaha Real Madrid & Villarreal Oo Santiago Bernabeu Dhibcaha Ku Qaybsaday, Sergio Ramos Oo Sameeyay Bandhig Isku Dhaf Ah Iyo Rekoodhkii Zidane Oo Awoodi Waayay In Uu Rekoodh Cusub Ka Dhigo La Ligaha

0
Thursday September 22, 2016 - 02:13:24 in by Burco Office
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Real Madrid & Villarreal Oo Santiago Bernabeu Dhibcaha Ku Qaybsaday, Sergio Ramos Oo Sameeyay Bandhig Isku Dhaf Ah Iyo Rekoodhkii Zidane Oo Awoodi Waayay In Uu Rekoodh Cusub Ka Dhigo La Ligaha

    Kooxaha Real Madrid iyo Villarreal ayaa dhibcaha ku qaybsaday Santiago Bernabue kulan xiiso badnaa oo ay Villarreal gool ku hormartay laakiin inkasta oo ay Madrid goolka barbaraha la timid isla bilawgii qaybtii danbe ayay haddana labada kooxood ku ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Real Madrid iyo Villarreal ayaa dhibcaha ku qaybsaday Santiago Bernabue kulan xiiso badnaa oo ay Villarreal gool ku hormartay laakiin inkasta oo ay Madrid goolka barbaraha la timid isla bilawgii qaybtii danbe ayay haddana labada kooxood ku kala baxeen barbaro 1:1 ah.


Gool rekoodhe ahaa oo dhaliyay  Bruno Soriano isla markaana uu qaladkiisa lahaa Sergio Ramos ayay labada kooxood qaybtii hore ku kala baxeen laakiin Sergio Ramos ayaa saddex daqiiqo kadib waqtigii nasashada dib u shaxay qaladkii uu sameeyay wuxuuna Madrid u keenay goolka barbaraha.

Rekoodhkii ay Real Madrid ku doonaysay in u dhigto La Ligaha oo ay ku dhaafto guulihii xidhiidhka aha ee Barcelona ayaa god dheer ku dhacay kadib markii ay Villarreal awooday in ay Real Madrid dhibcaha kula qaybsato Santiago Bernabue. Madrid ayaa dhibcihi ugu horeeyay kulankan ku lumisay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID (4-3-3): Casilla; Danilo, Varane, Ramos, Marcelo; Kovacic, Kroos, James; Bale, Ronaldo, Benzema.

Kaydka: Carvajal, Nacho, Vazquez, Asensio, Morata, Isco, Yanez.

VILLARREAL (4-2-3-1): Asenjo; Mario, Musacchio, Ruiz, Angel; Trigueros, Bruno; Dos Santos, Samu, Cheryshev; Sansone.

Kaydka:  N’Diaye, Pato, Juame, Alvaro, Fernandez, Soriano, Borre.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo isha ku haysay in ay jabiso rekoodhkii guulaha xidhiidhka ah ee kulamad La Ligaha ee ay Barcelona dhigtay xili ciyaareedkii 2010/11kii markaas oo uu Guardiola 16 kulan oo xidhiidh ah la soo guulaystay Barcelona balse Zidane ayaa doonayay in uu Madrid la guulaysto kulankiisii 17 aad ee La Ligaha oo xidhiidh ah.

Kooxda martida ahayd ee Villarreal ayaa iska caabin wayn kala hortimid Real Madrid wuxuuna kulankan qaybtiisa hore ay inta ugu badan ahayd mid ay labada kooxood isku mari waayeen. Real Madrid ayaa ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haysay qaybtii hore laakiin haddana Villarreal ayaa fursado aad u fiican ku abuuraysay kubbad weerar deg deg ah oo ay soo qaadayeen waxayna sidoo kale u difaacdeen si adag.

Waxaa la filan karayay in qaybtii hore ee kulankan ay labada kooxood ku kala bixi karaan barbaro gool la’aan ah marka la eego qaabka adag ee ay labada kooxood isku wajaheen laakiin labada kooxoodba waxaa ka go’nayd in ay shabaqa gaadhaan si ay kalsooni u helaan.

DAQIIQADII 45 AAD REKOODHE! Weerar aad u fiican oo ay Villarreal soo qaaday ayay ku abuurtay fursad aad u fiican waxaana cidhafka xerada ganaaxa Real Madrid kubbad ka darbeeyay Samu laakiin Sergio Ramos ayaa kubbad gacantiisa ku joojiyay taas oo keentay in garsooruhu uu kaadhka digniinta ah u taago isla markaana uu Villarreal rekoodhe ugu abaal mariyay.

Ramos oo kulankii Espanyol kubbad goolkiisa kaga celiyay ayaan kulankaas wax ciqaab ah la kulmin balse kulankan garsooraha ayaan ka laba labayn in uu Ramos kaadhka digniinta ah siiyo isla markaana uu qaladkii uu sameeyay rekoodhe ku dhigay.

DAQIIQADII 45+1 AAD GOOOOOOOOOL! Bruno Soriano ayaa qaab cajiib ah u tuuray rekoodhihii kooxdiisa loo dhigay si uu Villarreal ugu keeno goolka furitanaka, wuxuuna goolkan ku dhaliyay rekoodhaha nooca loo yaqaan Panenka isaga oo si xun dhulka udhigay Casilla, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Villarreal hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Isla daqiiqadii 45 aad waxaa ciyaarta dhawac looga saaray difaaca Real Madrid ee Marcelo kaas oo awoodi waayay in uu dhamaysto dhawr daqiiqo oo ciyaarta ka hadhsanaa waxaana lagu soo badalay Dani Carvajal oo markii hore kaydka ku jiray. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Villarreal hogaanka ciyaarta ku haysay.

 

Markii layskugu soo laabtay Real Madrid ayaa soo laabtay iyada oo dhaawrsan isla markaana uu Zidane ku soo canaantay in ay awoodi waayeen wixii uu ka doonayay oo ahaa in ay goolal ka dhaliyaan qaybtii hore. Laakiin Madrid ayaa ku bilaabtay dardar xoogan oo ay markiiba ku doonaysay goolka barbaraha.

DAQIIQADII 48 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dib u saxay qaladii uu sameeyay dhamaadkii qaybtii hore ee kulankan, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyay goolka barbaraha kadib markii uu caawin ka helay James Rodriguez wuxuuna Ramos ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Xamaasada ciyaarta ayaa cirka isku shareertay waxayna Real Madrid bilawday in ay si xoogan u raadiso goolka labaad si ay dhinaca kale ugu dhigi karto natiijada ciyaarta ee qaybtii hore goolka looga hormaray laakiin Villarreal ayaa wali halis wayn ku haysay Real Madrid.

DAQIIQADII 54 AAD Villarreal ayaa markale ku dooday in ay heshay rekoodhe kadib markii kubbad uu Trigueros uu goolka Madrid ku darbeeyay uu Varane daboolay waxayna ciyaartoyda Villarreal ku doodeen in xidiga ree France uu gacantiisa kubbada ku celiyay basle garsooraha ayaan markan waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 62 AAD HALIS WAYN! Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu dhawaaday in uu Real Madrid u dhaliyo goolkeeda laabad kadib markii shaqo fiican ay soo qabteen Gareth Bale iyo Dani Carcajal laakiin kubbad uu Carvajal soo hormariyay goolka Villarreal isla markaana soo wada dhaaftay difaaca ayuu Ronaldo awoodi waayay in uu gaadho iyada oo wax yar kubbadu wax yar ka dheeraatay.

DAQIIQADII 72 AAD Zidane ayaa go’aansaday in uu shaxdiisa isbadal ku sameeyo wuxuuna ciyaarta ka saaray Gareth Bale wuxuuna kaydka uga yeedhay Lucas Vázquez halka Villarreal ay kaga jawaabtay in ay ciyaarta ka saaray Nicola Sansone waxaana kaydka laga soo kiciyay Alexandre Rodrigues.

Ciyaarta ayaa noqotay mid weerar iyo weerar celis ah oo labada dhiancba laga filan karo goolka labaad laakiin Zidane ayaa markale arkay in kooxdiisu ay dhiig cusub u baahan tahay wuxuuna ciyaarta ka saaray Karim Benzema, wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Álvaro Borja Morata.

DAQIIQADII 80 AAD, Real Madrid ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Toni Kroos kubbad gantaal ah uu ka tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa Villarreal laakiin goolhaye Asenjo ayaa kubbada dirqi ku joojiyay iyada oo Morata uu markale gool ku dhalin gaadhay kubbada ka soo booday Asenjo.

DAQIIQADII 83 AAD GOOOO..? Maya! Alvaro Morata ayaa helay fursad aan caadi ahayn oo loo fishay goolka labaad ee Real Madrid isaga oo darbo madax ah ku bartilmaameedsaday goolka Villarreal laakiin jawaabta uu bixiyay goolhaye Asenjo ayaa noqoday mid ka yaab badan fursada Madrid wuxuuna Asenjo uu badbaadiyay fursad gool cadaan ah.

Duufaanta Madrid ayaa markan si dhab ah looga dareemay Bernabeu waxayna Real Madrid dagaalkii ugu danbeeyay ay ku jirtay sidii ay kula iman lahayd goolka guusha qiimo kasta ha ku qaadatee laakiin Villarreal ayaa markan bilawday in ay si buuxda.

DAQIIQADII 90 AAD markale Real Madrid ayaa heshay fursad gool cadaan ah lagu dhalin karay kaas oo Ronaldo ku hor helay goolka Villarreal laakiin markale goolhaye Asenjo ayaa muujiyay wacdaraha uu kulankan ka dhigay si uu Real Madrid uga beeniyo fursad halis ahayd.

Qaybta danbe Real Madrid ayaa wax kasta garoonka ka samaysay laakiin Villarreal ayaa muujisay awooda ay u leedahay in ay Real Madrid ka joojin karto guusheedii 17 aad oo xidhiidh ah waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1:1 ah. Real Madrid ayaa dhibcihii ugu horeeyay ee La Ligaha kulankan ku lumisay