War Deg Deg Ah:Dib u dhac ku yimid Doorashada Baarlamaanka Cusub iyo Aqalka Sare

0
Sunday September 25, 2016 - 12:28:39 in by Burco Office
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Dib u dhac ku yimid Doorashada Baarlamaanka Cusub iyo Aqalka Sare

    Sida horey loogu cadeeyay Jadwalkii kasoo baxay Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban maanta ay ku beegan tahay 25-ka bisha September ayaa laga doonayay Maamul goboleedyada dalka in ay soo gudbiyaan liiska Musharax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida horey loogu cadeeyay Jadwalkii kasoo baxay Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka Dadban maanta ay ku beegan tahay 25-ka bisha September ayaa laga doonayay Maamul goboleedyada dalka in ay soo gudbiyaan liiska Musharaxiinta u taagan aqalka sare.
Sidoo kale shalay ay taariikhdu aheed 24ka bisha September ayaa aheed in caasimadaha maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho in ay kudiyaarsan yihiin meelaha ay ku codeenayaan iyo sanaadiiqda cod bixinta ergada dooraneysa Baarlamaanka Soomaaliya.

Jadwalka Doorashada:

Aqalka sare 25 September
Baarlamaanka 24 September – 10 October
Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
Doorashada Madaxweynahan 30 October


Waxaa muuqata in jadwalkii lagu hagayay Doorashada dalka dib u dhac uu ka jiro, waxaana wali socon diyaar garowga iyo qaban qaabada loogu jiro in doorashada aqalka sare ee ku dhici karaan maalmaha soo aadan.


Warar aan heleyno ayaa sheegaya in sababaha dib u dhaca u keenay dhismaha aqalka sare ay kamid tahay dbismaha Maamulka Shbeelaha Dhaxe iyo Hiiraan oon wali dhismin, waana caqabada wali taagan maadaama maamulkaasi laga doonayo 8-xubnood oo katirsan Aqalka sare.


Guddiga Doorashooyinka Dadbdan ee Heer Federaal ayaa horey u sheegay in ay jiri doonaan dib u dhac ku yimaada jadwalka, waxa ayna cadeeyeen arimo badan oo dib u dhacaasi keeni kara sida miisaaniyadii lagu shaqeyn lahaa oon laheyn iyo arimo kale

Waxaa horey u jiray shaki weyn oo laga qabay in doorashooyinka dalka ay ku dhici karaan waqtigii horey loo iclaamiyay, waxaana wali taagan caqabado badan oo gadaal u sii riixaya in dooarashada ay db u sii dhacdo.


Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ayaa marar badan ku cel celiyay in doorashada ay ku dhaceyso waqtigii loogu tala galay, walina ma muuqata arintaasi iyadoona laga yaabo in bilo ama maalmo dheeraad ah kusii darsamaan waqtiga dooarshada loo qorsheeyay.