
Roob Dhagaxan watay Oo Hakad Galliyey Ciyaar U Dhaxaysay Laba xul Iyo Warbixino kale oo ku saabsan Cayaaraha.
Ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex maraysay xulalka Belgium iyp Tunisia ayaa la hakiyey kadib markii
roob dhagaxyaale ah oo xoog badan uu ka kala qaadi waayay magaaladii ciyaartu ka dhacaysay , ciyaaryahanadiina lagu qasbay inay ka baxsadaan oo garoonka ka dareeraan.
Xulka ay dad badani taageersan yihiin koobka aduunka ee Belgium ayaa mid kamid ah kulamada is diyaartinta ah ee kahor koobka aduunka kula ciyaarayay qaranka Tunisia garoonka King Baudoin stadium ee Brussels laakiin roob dabaylo xoogan wata oo dhagaxyo waaweyni la socdaan ayaa qasab ka dhigay in garoonka lagu kala dareero ilaa inta uu qaadayo, roobabkan oo ku dhuftay guud ahaan wadamada Bariga Yurub.
Roobkan ay ka daadanayeen dhagaxaan lagu qiyaasay inay laaleekaayeen kubada Golf-ta lagu ciyaaro ayaa kala caydhiyey ciyaaryahanadii labada xul , 24 miridh oo kaliya markii ciyaartu socotay , natiijaduna gool la’aan ahayd.
Kulanka ayaa dib loo bilaabay 40 daqiiqo kadib markii dhagaxyaalihii istaagay roobkiina qaaday , gudigii garoonka maamulaysayna u arkeen in dib loo ciyaari karo.
Xulka qaranka Tunisia ayaa ku guuldaraystay inuu u soo baxo koobka aduunka sanadkan , laakiin loogu dooray ciyaartan saaxiibtinimo sababta ah inay isku qabsan yihiin oo woqooyiga Afrika wada yaalaan, xulka Algeria oo ay Belgium isku Group ku jiraan.
Algeria iyo Belgium ayaana fooda isku dari doona ciyaarta Furitaanka Group H garoonka Estadio Mineiro bishan June 17 keeda.
Thiago Silva : Messi Waxa Lagu Hor Istaagi Karaa Kaliya Qori Caaradii
Thiago Silva kabtanka naadiga Faransiiska ah ee Paris Saint Garmain, ayaa tilmaamay inaan Messi lagu hor istaagi karin wax ka yar qori caaradii , kadib markii uu ku fashilmay inuu celiyo dhawr ciyaarood oo ay iska horyimaadeen xidigan reer Argentina.
Wakhtigii uu difaaca u hayay Ac Milan iyo kooxda uu haatan la joogo ee PSG ayay Silva ku adkaatay inuu joojiyo weerarada isdaba jooga ah ee uu soo qaado laacibkan 4 ta jeer noqday xidiga aduunka ugu fiican, gacantana laga saaray abaalmarinta Ballon D’ Or.
Mar saxaafadu wax ka weydiisayna , wuxuu qiray inay adag tahay in loo maaro hello Leonel Messi weeraradiisa, waxaanu Thiago Silva isagoo arintaas ka jawaabaya ku yidhi majalada BLOCK sidan :- ” Sideen u hor istaagi doonaa Messi.? waxa kaliya ee lagu joojin karaa waa qoriga caaradiisa.
”In kastoo uu dhaawacmay mudona u jiifay xili ciyaareedkii u dambeeyey , hadana wali waa cabsi jirta oo koobka aduunkana taala.’
Diego Costa: Miyaan U Socdaa Chelsea? Sidaas Ayay U Muuqataa.
Weeraryahanka Atlético de Madrid iyo xulka Spain Diego Costa ayaa si cad uga hadlay mustaqbalkiisa markii ugu horeysay ka dib markii wax laga weydiiyay xiisaha uga imaanaya Chelsea ee u qaadaya Stamford Bridge xilli ciyaareedka soo socda.
Markii la weydiiyay haddii uu afka hore uga ciyaari doono kooxda Jose Mourinho xilli ciyaareedka soo socda, Diego Costa ayaa ku jawaabay: "Sidaas ayay u muuqataa.”
Costa ayaana hadalkaan sheegay ka dib markii uu ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee ay xulka Spain 2-0 kaga badiyeen xulka El Salvador ee ka dhacday Washington.
Costa ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawaciisa muruqa waxaana uu yiri: "Waxaan qabay dhaawac, mar walbana waxaa maankaaga ku taagnaanaya haddii dhaawacaas uu soo laaban doono, waxaad dareemeysaa inaad fiican tahay laakiin waxaa ka walwaleysa in jeex uu yimaado. Caawa waxaan dareemayaa inaan fiicanahay.
England Oo Taako Kala Kulantay Honduras.
England ayaa barbaro goolal la’aan ah waxaa ku qabatay xulka Honduras oo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay ka dib markii biriq ay joojisay ciyaarta muddo 30 daqiiqo ah qeybteedii hore.
Kooxda Roy Hodgson ayaana abuuray fursado iyadoo karoos ka yimid Rooney uu qasaariyay Welbeck, halka Daniel Sturridge uu banaanka mariyay kubad ay aheyd inuu dhaliyo.
Laakiin iyadoo England ay jaanta isla heleyso waxaa ciyaarta la joojiyay in ka badan 30 daqiiqadood iyadoo ay ugu wacneyd biriq xoogan oo dhaceysay taasoo waxyeelo geysan kartay.
Markii uu roobka joogsaday waxaa jiray jaalayaal badan oo la bixiyay marka loo fiiriyo fursadihii la abuuray.
Honduras ayaa 20kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ku ciyaartay 10 ciyaaryahan ka dib markii Brayan Beckeles la siiyay jaalihiisii labaad markii uu qalad ku galay Leighton Baines.
Afkashacabka.com /ports
Contact@afkashacabka.com
Roob Dhagaxan watay Oo Hakad Galliyey Ciyaar U Dhaxaysay Laba xul Iyo Warbixino kale oo ku saabsan Cayaaraha.
Ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex maraysay xulalka Belgium iyp Tunisia ayaa la hakiyey kadib markii