Murugo: Maanso Uu Guddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf Ugu Baroor-diiqay Marxuum Gaarriye

0
Tuesday February 18, 2014 - 08:54:05 in by Super Admin
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murugo: Maanso Uu Guddoomiye Xasan Maxamed Yuusuf Ugu Baroor-diiqay Marxuum Gaarriye

    Maansadan Murugo waxa curiyay Abwaan, Suxufi, dhaqan-yaqaan Xasan Maxamed Yuusuf oo uu dhalay fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Yuusuf Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan Murugo waxa curiyay Abwaan, Suxufi, dhaqan-yaqaan Xasan Maxamed Yuusuf oo uu dhalay fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Yuusuf Cabdi


 

Maansadan Murugo waxa curiyay Abwaan, Suxufi, dhaqan-yaqaan Xasan Maxamed Yuusuf oo uu dhalay fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Yuusuf Cabdi Alle ha u naxariisto’e. Xasan waxa uu ku dhashay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa 18/Ogos/1968-kii, tacliinta malcaamadda waxa uu ka bilaabay Madrasadda Al-najaax oo loo yaqaanno Inji. Waxbarashada Dugsiga hoose waxa uu ku qaatay Qudhac-dheer intii u dhaxaysay 1975-1978-kii. Iskuulka dhexe-na waxa uu ka dhigtay Guryasmo amin ku siman 1978-kii illaa 1982-kii.


Sannadkii 1982-kii ayuu ku biiray aqoonta Dugsiga Sare-na ka bartay Maxamuud Axmed Cali. Intaas kaddib waxa uu Oktoober/1985-kii ka mid noqday Weriyeyaasha Idaacadda Hargeysa, markuu halkaas laba gu’ joogayna waxa uu u wareegay idaacadda Muqdisho. 1988-kii waxa uu ka mid noqday bahweyntii aasaastay Idaacaddii SNM: Codkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed, oo uu madaxa barnaamijyada ka ahaa.

Waxa uu markii Somaliland la soo laabatay xornimadeeda ka shaqeeyay xarumo saxaafadeed badan oo uu madaxa barnaamijmada iyo wararka ama tifatire ka noqday ka noqday sida Radio Hargeysa, Somaliland Space Channel, Horn Cable TV, Wargeyska Hargeysa Star, ESTN.

Laga bilaabo Feb/2007-da illaa Abril/2008-da waxa uu ahaa Madaxa Idaacadda VOA laanteeda Somaliland, isagoo ahaa masuulkii xafiiska VOA ka furay Hargeysa. Hadda waa Guddoomiye-ha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo uu ka mid ahaa aasaayaashii salka u dhigay. Waa suxufi ku xeel-dheer faaqidaadda, xifdiga taariikhda iyo suugaanta Soomaalida iyo caalamka kaleba. Waxa uu ku nool yahay caasimadda Somaliland.

Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu maansadan Murugo ugu baroor-diiqayaa Eebbe ha u naxariisto’e Abwaan, Halgamaa, Bare-sare Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye” oo macallin u ahaa, saaxiib dhowna ay ahaayeen.

Waa tan maansadi:

Tix ku maararraw iyo

Madaddaaladeediyo

Maqalkeeda mooyee

Maan jeclayn Batuunoow

Madal laysu soo baxay

Mid inaan ka tiriyee

Murugada hal-doorkaa

Alla hagane haydaa

Igu dhalisay maantoo

Malkaduu banneeyaa

Ii muuqanaysoo

Moos baygu ciiroo

Anigoo is moog baan

Midhadhkaysu geeyee

Aan ku muusannaabee

Marinkuu lahaan jirey

Xasanow miyaan helay?

Mise wuu marooraa?

Macallinkii garaadkiyo

Maankiyo kaskaygiyo

Maskaxdayda koriyoow.

Gacalkiyo mataanaha

Kala maarmi karin iyo,

Mudantiyo xigaallada

Muran soo dhex gala iyo,

Megli laysu ramiyiyo

Rasaas laysku madhiyiyo

Ooddiyo muskays xiga

Mahuraan ku wada nool

Colaadaha dhex mara iyo

Mashaqada sokeeyaha

Magac xumada ceebta leh

Marna kaan jeclaynee

Isagoo madluun ka ah

Murti aan hadhayn iyo

Hagarlaawe mariyoow.

Mabda’iisu ruuxuu

Markastaba caddaayee

Madmadow ku jirinee

Mareeg-diid inuu yahay

Aan midiidin Noqon karin

Moogganaa u sheegee

Xalaal-maal "jir” yidhiyee

Miliqsade ka nixiyee

Malafsade "dhac” yidhiyoow.

Runta lagama maarmee

Mur hadday ka adagtahay

Kaan ka maagi jirinoow.

Markay dawladnimadiyo

Milge beeshay gobannimo,

Ee macangagiintii

Dalka maamulaayiyo

Maalooti xoog lihi

Ka duween majarahee

Maamuuski qarannimo

Mindi lagu qadhaabtiyo

Maqaarsaarka loo rogay,

Caanaheedi Maandeeq

Haaway magaagtiyo

Macaan jeceshi ururtiyo

Kolkay tuugtu Maaleen

Ee maatadii iyo

Maxastii ku noolayd

"Moqorraysta” lagu yidhi

Muddaahanadi awgeed

Kolkay taladu Murugtee

Xaajadu Murkacatee

Musuqmaasaqii fiday

Loo maaro waayee

Sharaf iyo murwaad go’ay,

Maahmaah horaa tidhi

"Ama waa la muuqdaa

Ama waa la maqanyee”

Milaygaa wixii jirey

Ninki mooggan yeelkee

Isagoon Mildhaabayn

Kii maasha nabarkiyo

Meesha eelku jiifiyo

Intuu dooxay mililkii

Maansadii sidii daad

Ama roob mahiigaan

Dalka wada mushaaxdiyo

Deelleyda mariyee

Muftaaxaw ahaayoow

Ragannimadu muuniyo

Haddii ay mug leedahay

Kii loo milaaloow,

Madhax aan idlaaneyn

Midho aan dhammaaneyn

Maax aan gudheyn iyo

Magac baad ka hoyatee

Marinnada haldoorkaa

Inta mudan intaw mudan

Kii lagu mannaystoow.

Mawluhu Rasuulkii

Aad la magac ahayd iyo

Mustafii udgoonaa

Hakaa dhigo maciisoo

Haku mariyo geestay

Muuminiintu joogaan

Aamiin Aamiin Aamiin




Tebinta

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)