Dawlada Jabuuti Oo Bilowday Hawlgalo ay ku Baadhayso Dadka sharci darrada ku jooga Dalkaas Iyo Dad tiro badan oo ay Xabsiyada ku gurtay.

0
Sunday June 08, 2014 - 12:35:21 in by Super Admin
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabuuti Oo Bilowday Hawlgalo ay ku Baadhayso Dadka sharci darrada ku jooga Dalkaas Iyo Dad tiro badan oo ay Xabsiyada ku gurtay.

    Sidoo kale Laamaha Amaanka Iyo Sirdoonka Dalka Jibouti ayaa baahiyey sawirada saddex nin oo ay raadinayaan sida lagu baahiyey tvga Waddankasi Djibouti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Laamaha Amaanka Iyo Sirdoonka Dalka Jibouti ayaa baahiyey sawirada saddex nin oo ay raadinayaan sida lagu baahiyey tvga Waddankasi Djibouti

Ciidamada booliska ee dawladda dalka Jabuuti, ayaa la sheegay inay bilaabeen hawl-galo ay ku soo qab-qabteen dad badan oo sharci-daro ku joogay waddankaas,

Kadib talaabada ay qaadeen ciidamada booliska ee dalka Jabuuti ayaaka dambaysay markii laba qof oo dawlada jabuuti ku sheegtay inay ahaayeen Soomaali ka yimi koonfurta Soomaaliya oo ka soo gudbay xadka ay wadaagan labada dal ee Somaliland iyo Jabuutiisku qarxiyeen 24 MayhuteelkaChaumere ee dalka Jabuuti.Isla markaana madaxda dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in halkaas ay ka dhaceen khasaare badan oo ay ku dhinteen dad ajnabi ah iyo qaar u dhashay dalkaas. Sidaasna waxa baahiyey Wargeyska ku hadla afka dawlada dalka Jabuuti ee Le Natieon, waxaanu warku intaas ku daray in ciidamada booliska ee Jabuuti ay dadka bilaa sharciga ah geeyeen goobta loo yaqaan Nagad ee xarunta boolisku leeyahay, kadibna lagu celinayo xuduudaha dawlada Jabuuti ay la leedahay waddamada Somaliland iyo Ethiopia, balse ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in 500 oo qof ilaa immika ay ku xidhan yihiin xarunta booliska ee Nagad.


Wararku waxay intaas ku dareen in ciidamada booliska ee Jabuuti ay sii adkeeyeen ilaalinta goobaha muhiimka ah, huteelada waa-weyn iyo goobaha la is-kugu yimaado ee waddankaas. Dhalinyaradda xaafaddaha kala duwan ee Jabuuti, ayaa iyaguna isu-abaabulay inay xaafadaha ka badhaaya ciddii allaale iyo ciddi ku cusub inay soo qabtaan, una dhiiban ciidamada booliska ee Jabuuti, isla markaana waxa lagu sheegay warkaas in xadka iyo kantaroolada dalkaJabuuti la leeyahay Ethiopia iyo Somaliland la adkeeyay. 


Sidoo kale, Suuqyada Jabuuti ayaa waqtiyadan dambe lagu arkayey ciidamo badanoo ku hubaysan hub iyo gaadiidka ciidamada oo ka tirsan booliska Jabuuti oo qof kasta oo maraaya waddooyinka ayaa waxay waydiinayaan sharcigii dalka. Geesta kalena haweenay ka mid ah haweenka dalka Jabuuti, ayaa sheegtay in dadkii la raafayo, lagana nadiifiyey wixii aan sharci haysan dalk oo baadhitaan culusna ka socdo. "Dadkii waa la raafayaa, waddo kastana waxa taagan booliskii oo dadka weydiinaaya waraaqihii dhalashada ee dalka Jabuuti. Waxaana dadkii fuulay culays oo dhamaan wixii bilaa sharci ahaa dalkii waa laga nadiifiyey,ā€¯Sidaas ayay tidhi. 


Haddaba talaabadan Jabuuti ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay adkaysay kantaroolada xadka u dhaxeeya dalka Jabuuti, isagoo Badhasaabka Gobalka Selel oo khamiistii todobadkan aynu soo dhaafnay mar uu la hadlayey Warbaahinta, ayaa sheegay in dadka inta badan ka talaaba xaduudka u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland ay maraan dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya iyo kilalka shanaad ee Itoobiya, waxaanay saameyn ku yeelatay gaadiidka yar-yar ee u kala bixijiray goballada Somaliland iyo dalka Jabuuti.


Dhinaca kalena Laamaha Amaanka Iyo Sirdoonka Dalka Jibouti ayaa baahiyey sawirada saddex nin oo ay raadinayaan sida lagu baahiyey tvga Waddankasi Djibouti
Saddexdaasi Nin ayaa warbaahinta Dawladdu si joogta ah u baahinaysaa, iyadoo Bulshada lagaga codsanayo inay Ciidamada Booliska ama Jandarmarayga u soo gudbiyaan haddii ay nimankaasi arkaan ama wax macluumaad ah ka hayaan.

Marka laga reebo dalabka ay doonayaan laamaha amaanka ee Jabuuti Saddexdan nin maa ay sheegin waxa ay ku eedaysan yihiin ee loo raadinayo balse waxa loo malaynayaa in ay xidhiidh la leeyihiin qaraxii bishii hore ka dhacay maqaxidii lagu cawayn jiray ee badhtamaha Jabuuti,halkaasi oo uu ku geeriyooday saddex qof halka 15 kalena ku dhaawacmeen,dhacdadaasi oo wali lagu gudo jiro baadhitaankeedii inkasta oo la sheegay hor dhaceedii.









Afkashacabka.com / Sports
Contact@afkashacabka.com