Taageerayaal Haween ah oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo usoo digorogtay Xisbiga UCID iyo Jamal Ali Husein oo la hadlay

0
Tuesday February 18, 2014 - 09:02:10 in by Super Admin
  • Visits: 1063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaal Haween ah oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo usoo digorogtay Xisbiga UCID iyo Jamal Ali Husein oo la hadlay

    Taageerayaal Haween ah oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo usoo digorogtay Xisbiga iyo Jamal Ali Husein oo madal ilyartu is qabatay ku qabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaal Haween ah oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye oo usoo digorogtay Xisbiga iyo Jamal Ali Husein oo madal ilyartu is qabatay ku qabilay


xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhawaynaayay garab haween ah oo ka soo diga rogtay xisbi xaakimka kulmiye ayaa xalay lagu qabtay Hotel Abco ee magaalada burco Waxaana madashaas lagu soo dhaweynaayay haweenka ka soo diga rogatay xisbiga kulmiye ka soo qayb galay masuulyiinta xisbiga mucaaridka ee ucid oo uu hor kacaayo musharaxa madaxweyne ee xisbiga ucid aqoon yahan Jamaal cali xuseen iyo , marti sharaf kale iyo taageerayaasha xisbiga ucid ee gobolka togdheer.

Xubno ka mid ah haweenka ku soo digo rogaty xisbiga ucid oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegey in iyaga oo caqligooda iyo maankoodu u shaqaynaayo , maskaxdooduna ay taam tahay ay garteen in ay ka mid noqdaan xubno ka tirsan xisbiga ucid, Waxayna ay dhamaantood ay xuseen in xisbiga kulmiye ay siyaasadiisi guud ay noqotay mid aan la isku halayn Karin sidoo kalana xisbigii uu noqday mid u kala fadhiya 4 garab.

Luul axmed oo ka mid ah haweenka halkaas ka hadlay ayaa waxay tidhi "caawa waxaan ku soo biirnay xisbiga ucid, waxanu ka so digoroganay xisbiga kulmiye, xisbigaas oo maanta dalkii iyo dadkii wax ba uu u qaban waayay maxaa yeelay anigu waxaan ka mid ahaa dadkii u huray codkoodii iyo cuduudba iyo galiyay naf iyo maal ba u huray in uu soo baxo, maantana waxaan hiil iyo hooba aan la garab taagnaandoonaa xisbiga ucid waxaana aan si wanaagsan aan ugu qanacsanahay siyaasadda wax qabadka leh ee xisbiga ucid uu doonaanyo in uu dalka iyo dadka wax ugu qabto somalilandna uu ugu hiiliyo" 

Ugu danbeyntii waxa soo dhaweynta haweenka xisbiga ucid ku soo biiray la hadlay aqoon-yahan Jamaal cali xuseen musharaxa jagada madaxweyne ee xisbiga ucid waxanu sheegay in uu aad isoo dhaweynaayo waxaanuu yidhi "aad baan u soo dhaweynayaa haweenka ku soo biiray xisbiga ucid ka xisbi ahaan waan ku faraxsanahay in haween intan leeg ay maanta sidaa sharafta leh noogu soo biiraan" ayu yidhi

sidoo kale wuxuu tilmaamayin xukumadu wado oo in badan qorshsaynayso sidii ay afka ay u hayn lahayd xisbiyada mucaaridka iyo xildhibaanada golaha wakiilada balse taasi ma aha mid u suurto galaysa" ayu yidhi .

Isku soo wada duuboo haweenka xisbiga ucid u soo diga rogtay ayaa noqonayaa kuwii abdi ugu baaxada weynaa ee si rasmi ah u shaaciyay in ay ka mid yihiin xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee ucid.




Afkashacabka.com
Burco / Office