Nuxurka Kulan Ay Yeesheen Xukuumadda Somaliland iyo Hay'adda ICAO ee Qaramada Midoobay Oo Hargeysa ka Dhacay

0
Sunday June 08, 2014 - 22:34:22 in by salman abdi
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Ay Yeesheen Xukuumadda Somaliland iyo Hay'adda ICAO ee Qaramada Midoobay Oo Hargeysa ka Dhacay

    Nuxurka Kulan Ay Yeesheen Xukuumadda Somaliland iyo Hay'adda ICAO ee Qaramada Midoobay Oo Hargeysa ka Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Ay Yeesheen Xukuumadda Somaliland iyo Hay'adda ICAO ee Qaramada Midoobay Oo Hargeysa ka Dhacay

" Anigu (Somaliland) waxaanu aaminsanahay in aanu hawaddayada maamulano FIR gaar ahna nalasiiyo.” Wasiirka Duulista JSL.

" Ujeedada socdaalkagu waxa weeye in aanu qiimayno diyaarinana wakhtiga kala guurka ee gacmaha Soomaalida lagu soo celinayo maamulkii hawada.” Javier Lopes Hay’ada ICAO

10313064_1482110755339544_2599843343049919299_n

Xukuumadda Somaliland iyo saraakiil ka socday Hay’ada ICAO ee Qaramada Midoobay ayaa si wada jir ah faahfaahin uga bixiyey kulan ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa oo ku saabsanaa maamulka Hawadda.

10441928_1482110758672877_6611901168311168552_n

Shir jaraa’id oo ay hotel Ambassador ku qabteen masuulyiinta sar sare ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda iyo xubnahaasi ayey labadani dhinac kaga warameen ujeeddada kulankaasi ay yeesheen, kaas oo ay sheegeen inuu ku saabsaan maamulka hawadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Qaramada Midoobay gacanta ku hayso.

10350536_1482110765339543_8987172925090948447_n

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista hawdda iyo gaadiidka cirka Cumar Cabdilaahi " Waxaanu sii sogootiyeynaa wafti Somaliland joogay labadii maalmood ee ugu dambaayey oo ka socda Qaramad Midoobay, booqashadoodii oo sadex casho ahayad oo maanta ku eg tahay, waftigaasi intii ay dalka joogeen waxa ay qiimayan ku sameeyeen madaaradda Somaliland awoodda ay leeyihiin, qaabka ay wasaaradda duulista iyo hawadu u shaqayso, iyo wixii aynu hanti haysano, sidoo kalena shalay waxa ay boooqosho ku tageen magaalo xeebeedda Berbera iyaga oo soo maray madaarka oo terminal cusub oo aanu ka wadnaa uu gabogabo ku dhawyahay, xayndaabkiisiiina uu dhamaaday.” Ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.

10301183_1482111138672839_1235306543745344736_n
Sidoo kalena Agaasimaha guud oo ka hadlay u jeedada socdaalka waftigaasi ka socday UN-ka " Ujeedadu waxa ay ahayd in aanu tusno waftigan ka socda Qaramada midoobay in ay Somaliland awood u leedahay in ay hawadeeda maamulato iyada oo wadahadalo hore u socday lagu heshiiyay in Somaliland iyo Soomaaliya ay si wada jir ah hawadda u maamulidoonan, inkastoo marwal oo heshiis dhaco walaalahayaga Soomaaliya in ay dib u gurtaan, waxaanu waftigan u sheegnay fariintayada qoraal ahaana waanu ugu gudbinay halka aanu ka taaganahay arimahaasi aadbaanay uga heleen sidii aynu u soo dhaweynay iyo arimihii aynu kala hadalay.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland.”


Sarkaalka Hogaaminayey Waftigani ka socday Hay’ada ICAO ee Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Javier Lopes oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa yidhi " waanu ku faraxsanahay in aanu halkan idila joogno, ujeedada socdaalkagu waxa weeye in aanu qiimayno diyaarinana wakhtiga kala guurka ee gacmaha soomaalida lagu soo celinayo maamulkii hawadda iyo sidii aanu gacan uga gayasan lahayan tababarada loo baahanyahay iyo in aynu xaqiijino in aynu helono tayada loo baahanyahay ee duulimaadyada madaniga ah, halkan waxaanu jooganay sadex maalmood mudadaasina waxanu booqanay madaarka Berbera waxaanu soo eegnay adeegyada halkaasi ka jira madaarka hargaysana sidoo kale.” Ayuu yidhi sarkaalkaasi.

10458205_1482110905339529_2742071993006084307_n

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi " ugu horayn waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa una mahad naqaynaa waftiga ka socda Hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada dunida, waftigani sida ay sheegeen waxay wadaan qiimayn ku saabsan sidii gamcaha Soomaalida dib loogu soo celin lahaa maamulka hawadda, anagoo taa ka duulayna waxaanu waftigan u gudbinay argtidayada ku aadan mabaadiida ay Somaliland ka aaminsan tahay arintaasi waxaanuu u sheegnay hadii aanu Somaliland nahay umad isku tashatay, dal xasiloon leh xaqiiqo jirtana ah in kasta oo aan nala aqoosanyeyn, hadana dunidu nala macaamisho sidii qaran noola macaamisho haybadii iyo astaamihii dawladnimo dhamaan aanu leenahay, waxaanu u sheegnay aragtidayada sida hawada dib loogu soo celinayo waxa jiray qorshe iyo dariiq dheer oo dhamaantood midho dhal noqon waayey, madhalaysna ku danbeeyay.” Ayuu yidhi md. Xaashi.

10421179_1482110868672866_4355786245029884229_n

Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray " waxaanu anagu u gudbinay mawqifkayaga ah in aanu doonnayno in aanu hawaddayada gaar u maamulano iyo in nala siiyo FIR (fight information regions), Somaliland gaar u ah taas oo dunida ka dhacda, dawlado badan oo aan aqoonsi haysan la siiyo sida Taywan iyo Falastiin oo iyagu hawaddooda maamusha halka dawlado citiraaf haystaana ay leeyhiin in ka badan hal xafiis oo FIR, markaas anigu waxaanu aaminsanahay in aanu hawaddayada maamulano FIR gaar ahna nalasiiyo, wixii soomaaliyi lahayad waxay ku dhacmeen cidlo waxay ka baxeen faro dhexdood mana muuqato in isku aragti laga noqon karo lana wada maamuli karo, shirkii ugu danbeeyay waanu ku guuldaraysanay in aanu natiijo ka gaadhno heshiisyadii aanu galnayna waa lagafka baxay, mar haday sidaa tahay anagu waxaanu doonaynaa anagu in aanu waxayaga gaar u maamulano, waxaanu waftiga u dhiibnay qoraal madaxdooda sare ku socda waxanay naga balan qadeen in ay gaadhsiindoonaan, markaa iyaga ayaanu jawaab ka sugaynaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi.


 

Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com