Madaxweyne Silaanyo Oo Xeer madaxwayne ku Dhaqan-geliyey Xeerka nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland.

0
Monday June 09, 2014 - 08:19:45 in by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Silaanyo Oo Xeer madaxwayne ku Dhaqan-geliyey Xeerka nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland.

    Warsaxaafadeed ka soo Baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexna Afhayeenka Madaxtooyadu aya lagu sheegay in Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxmud Silaanyo uu Xeer madaxwayne ku Dhaqan-geliyey Xeerka nidaamiyaha Diiwaangelinta M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed ka soo Baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexna Afhayeenka Madaxtooyadu aya lagu sheegay in Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxmud Silaanyo uu Xeer madaxwayne ku Dhaqan-geliyey Xeerka nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland.


Date: - 08/06/2014


WAR-SAXAAFADEED*


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu
Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay *JSL/M/XERM/249-2560/062014 *ku
dhaqan-geliyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta.


*XEER MADAXWEYNE*

*Qaybta 1aad*



*Xubinta 1aad*



*Mabaadii’da Guud*



*Qodobka 1aad*

*Eray Bixin*



*Muwaadin:* Waxa looga jeedaa qofka ka isiran
dadkii deganaa geyiga Somaliland 26-kii bishii 6-aad 1960-kii iyo wixii ka
horeeyey iyo qofka sifo sharci ah lagu siiyey Jinsiyada Somaliland.



*Wasiir:* Waxaa looga jeedaa Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha.



*Madaxweyne:* Waxaa looga jeedaa Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland.



*Wasaaradda:* Waxaa looga jeedaa
Wasaaradda Arrimaha Gudaha.



*Diiwaangelin:* Waxaa looga jeedaa habka lagu
uruurinayo xogta muwaadiniinta ee lagu gelinayo isla markaana lagu
kaydinayo Diiwaanka Qaranka oo ay meel-marinayso Wasaaradda Arrimaha Guduhu.



*Diiwaanka Qaranka: *Waxaa looga jeedaa diiwaan lagu kaydiyo
dhammaan magacyada muwaadiniinta la diiwaangeliyey.



*Xog: *Waxaa looga jeedaa
macluumaadka laga qoro qofka ee ku xusan Qodobka 11aad ee Xeerkan.



*Foomka Diiwaangelinta:* Waxaa looga jeedaa waraaqda ku xusan Qodobka
11aad ee

Xeerkan ee lagu qorayo
xogta muwaadinka.



*Qodobka 2aad*

*Dhaqan-gelinta Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta*



Waxa Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-geliyey Diiwaanka Qaranka ee
Muwaadiniinta kaas oo looga gol-leeyahay in:

A. Lagu diiwaan-geliyo muwaaddin kasta oo gaadhay da’da 16 jir.

B. Uu noqdo meel lagu kaydiyo isla markaana lagu xafido xogaha laga
qoro muwaaddinka.



*Qodobka 3aad*

*Lahaanshaha Diiwaanka*



Diiwaanku waa hanti qaran, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Arrimaha
Gudaha.



*Qodobka 4aad*

*Dadka Xaqqa U Leh in la Diiwaangeliyo*



Waxaa xaq u leh in la diiwaangeliyo muwaadin kasta oo gaadhay da’da Lix iyo
Toban jir.


*Qodobka 5aad*

*Ansixinta Diiwaangelinta*



Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u xilsaaran ansixinta Diiwaan-gelinta
Muwaadiniinta ee goob kasta.


*Qodobka 6aad*

*Ilaalinta Xogta la Diiwaangelinta*

Waxaa reebban:

1. In xogta muwaadiniinta dalka laga saaro.

2. In aan daaha looga qaadin cid aan xeer awood u siin.

3. In wax laga beddelo hadaan ogolaanshiiyo laga helin cidda ka
mas’uulka ah.


*Qodobka 7aad*

*Daabacaadda iyo Xarunta Diiwaanka*



1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka masuul ah habaynta,
dhaqan-gelinta iyo daabacaadda diiwaanka muwaadiniinta.


2. Diiwaanka guud waxa lagu haynayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, waxaana maamuli doona waax gaar ah oo uu madax ka yahay mas’uulka
diiwaanka oo uu magacaabayo Wasiirka Arrimaha Guduhu.


*Qodobka 8aad*

*Sugitaanka Muwaadinka*



Sugitaanka muwaadinka waxaa loo raacaya sidan soo socota:



1. Qof kasta oo raba in uu is diiwaan-geliyo waxaa xajiinaya Caaqilka,
waxaana ansixinaya Wakiilka Maxkamadda ee Goobta ka dib markuu sidaa ku
dhaariyo Caaqilka.


2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinaya, waxa
mas’uulka Goobtu xogta muwaadinka gelinaya foomka rasmiga ah ee
Diiwangelinta.


*Qodobka 9aad*

*Foomka Diwaangelinta*


Foomka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka,
iyada oo dhammaystiran ayuunbaa la gelin karaa diiwaanka.


Foomka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa xogaha hoos ku qoran ee
muwaadinka:-


1. Magaca qofka oo afaran.

2. Taariikhda dhalashada iyo goobtiisa dhalashada.

3. Lab/dhedig midkuu yahay.

4. Sawirka qofka.

5. Lambarka taxanaha ah ee Warqadda Aqoonsiga.

6. Taariikhda uu dhacayo.

7. Deegaankiisa.

8. Tix-raaciisa Lambar.

9. Taariikhda la bixiyey.

10. Ciwaanka qofka.

11. Mihnadiisa.

12. Faraha ama Isha.

13. Sawirka wejiga ee qofka.

14. Saxeexa soo saaraha.

15. Saxeexa Muwaadinka.

*Xubinta 2aad*


*Qodobka 10aad*

*Goobta Diiwaangelinta*

Waxa la cayimayaa Goobo Diiwaangelineed, waxaana la dejinayaa nidaam lagu
kala garto goobaha iyada oo la siinayo Degmo kasta tirsi lambar oo u gaar
ah.

*Qodobka 11aad*

*Hawl-galka Diiwaangelinta*

Bilawga hawl-galka diiwaangelinta Muwaadiniinta waxa sal-dhig u ah
qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro.

In loo raaco Diiwaangelinta heerarkan ama jaranjarooyinkan:

1. Marka diiwaan-gelinta la sammaynayo waa in la sugo Muwaadinnimada
Qofka Somalilanderka ah.

2. Marka ay sugnaato Muwaadinnimada qofka is diiwaangelinayaa, waxa la
gelinayaa xogtiisa form-ka rasmiga ah.



3. Waxa isla goobtaasi lagu siinaya qof kasta oo ay sugnaato
muwaadinnimadiisu warqad aqoonsi oo ku-meel gaadh ah.



4. Qofkasta oo ku guuldaraysta in uu sugo Muwaadinnimadiisa waxa lagu
war-gelinayaa in uu keeno qof la yaqaan oo Hanti ma-guurta ah ku leh
Deegaanka/Dalka, oo caddeeya in uu yahay muwaadin Reer Somaliland ah, kuna
dammiinto hantidiisa.

*Qodobka 12aad*

*Nidaamka Diiwaangelinta Muwaadinka.*

Maalin kasta inta aan la furin goobta diiwaangelinta waxaa mas’uuliyiinta
Goobta ku waajib ah:-



1. In ay is-xaadiriyaan, islamarkaana ay saxeexaan qalabka
diiwaangelinta iyagoo diiwaangelinaaya lambarka tixraaca Foom-ka
Diiwaan-gelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.

2. Marka shaqo maalmeedka la soo gebagebeeyo waa in qoraal lagu
cadeeyo tirada muwaaddiniinta la diiwaangeliyey maalintaa, isla markaana
saxeexaan.



3. Inay diiwaan-geliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen.


*Qodobka 13aad*

*Dhaqan-gelinta Diiwaangelinta *


Iyada oo la adeegsanayo dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira
dalka:



1. Waa in la daabaco, islamarkaana la baahiyo xilliga loo cayimay
Diiwaan-gelinta iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaaddiniintu u baahan
yihiin in ay ogaadaan.


2. Waxaa waajib ah in la baro islamarkaana lagu wacyi geliyo
muwaaddiniinta muhiimadda ay Diiwaangelintu leedahay.



*Qodobka 14aad*

*Xilka iyo Waajibaadka Mas’uuliyiinta Diiwaangelinta*


Xilka iyo waajibaadka mas’uuliyiinta Diiwaangelinta waxaa ka mid ah in:


1. Mas’uulka diiwaangalinta ee heer Degmo waxaa ku waajib ah in uu ka
war bixiyo diiwaangelinta qabsoontay todobaad walba una gudbiyo
Mas’uulkiisa heer Gobol xog faahfaahsan oo ku saabsan sida ay
diiwaangelintu uga qabsoontay todobaadkii tagay Degmadiisa.


2. Mas’uulka heer Gobol ka dib marka uu soo uruuriyo warbixinta
degmooyinka wuxuu u gudbinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha warbixin
dhamaystiran.

*Qodobka 15aad*

*Habka Xafidaadda Qalabka Diiwaangelinta*

1) Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa7:00
subaxnimo, waxaanay dhammaanaysaa6:00galabnimo.

2) Haddii dib-u-dhac ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in
lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas.

3) Haddii dib-u-dhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka
diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa, sidaasina uu war bixinta ku
guddbiyaa.

4) Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu dhammaan
qalabka diiwaangelinta waxaa lagu haynayaa Xafiisyada Diiwaangelinta.


*Qaybta 2aad*

*Xubinta 1aad*

*Qodobka 16aad*

*Shaqaalaha Diiwaangelinta *

Si loo dhaqan-geliyo Diiwaangelinta, waa in la shaqaaleeyaa shaqaale
khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaangelinta iyada oo inta aan
qofka la shaqaalaysiin ka hor la qeexo:

1. Shuruudaha iyo xirfadaha looga baahan yahay qofka loo qaadanaayo
booska uu ka hawl gelayo.



2. Habka loo raacayo xulashada Shaqaalaha; iyo



3. Waajibaadyada shaqo ee qof kasta (boos kasta) uu ku lahaanayo
geeddi-socodka hawsha Diiwaangelinta.



*Qodobka 17aad*

*Shuruudaha Shaqaalaha ka Hawlgelaya Diiwaangelinta*



Qofka loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinnimo Waa:



1. In uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah.

2. In aan da’diisu ka yaraan 25 jir.

3. In uu Maskax ahaan Caafimaad qabo.

4. In aanu xukun Maxkammadeed oo kama-dambays ahi ku dhicin.

5. In uu leeyahay aqoon heer-jaamacadeed ama wax-u-dhigma.

6. Waa in uu ku sifoobaa karti, daacadnimo iyo aaminaad, Bulshada
dhexdeedana sumcad ku leeyahay.



*Qodobka 18aad*

*Reebbanaan*



Waxa reebban in ay hawsha Diiwaangelinta ka hawl galaan:



1. Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan).

2. Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.

3. Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan.

4. Qofka aan gaadhin da’da Lix iyo Toban sano.

*Qodobka 19aad*

*Dhaarta Hawl-wadeenada Ka-hawl-gelaya Diiwaangelinta Muwaadinka*

Xubnaha loo magacaabay goobaha diiwaangelinta degmada iyo gobolka waxa
dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo
noqonaysa sidan:

"WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DIIWAAN GELINTA U GUDAN
DOONO SI XILKASNIMO IYO DAACADNIMO LEH, SHARCIGA IYO CADAALADDANA AAN KU
SHAQAYNAYO”

*Xubinta 2aad*

*Qodobo kala Duwan*

*Qodobka 20aad*

*Habka Qoraalka Magacyada*

Magaca muwaadinka waa in lagu qoro xuruuf la isku wada sar-gooyey; waana in
aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay mas’uuliyiintu u
adeegsanayaan diiwaangalinta.

*Qodobka 21aad*

*Saxitaanka Xogta Khaldanta*

Saxitaanka xogta khaldan waxaa loo raacayaa sidan soo socota:

1. Qof kasta oo ogaada in xogta laga qoray ee diiwaanka lagu qoray ay
wax ka qaldan yihiin, waa in uu qoraal ahaan ku war geliyaa mas’uulka
diiwaangalinta xogta khaldan, isla markaana ku xusaa qoraalka sida saxda
ah.

2. Mas’uulka la soo gaadhsiiyey xogta khaldantay waa inuu sida ugu
dhakhsaha badan u sameeyo sixitaan, warbixintana u gudbiyo mas’uulka ka
sareeya.

*Qodobka 22aad*

*Bixinta Warqadda aqoonsiga*

Muwaadin kasta oo is diiwaangeliyey wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo
warqadda aqoonsiga.

*Qodobka 23aad*

*Reebbanaanta qaadashada Wax-ka-badan Hal Warqad Aqoonsi*

1. Waxaa reebban in muwaadinku uu qaato wax ka badan hal warqad
aqoonsi.



2. Waxaa reebban in lagu helo si khiyaamo ama been abuur ah ama lagu
siiyo muwaadinka si ka baxsan Nidaamka Diiwaangelinta.



3. Qofkasta oo ku kaca falka ku xusan faqradda hore waxa lagu ciqaabi
doonaa sida uu tilmaamaayo Xeerka Ciqaabtu, Hay’ad kasta oo awood u lehna
waxa uu xil ka saaran yahay inay talaabo sharci ka qaado.


4. Qof kasta oo si badheedh ah u siiya mas’uulka diiwaan-gelinaya xog
qaldan, waxa uu mutaysanayaa in lagu Ciqaab mariyo sida uu dhigayo Xeerka
Ciqaabtu.




*ALLAA MAHAD LEH*

*Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.*