Deeq Isugu Jirta Lacag Iyo Timir Oo Lagu Wareejiyey Xarunta SAHAN Ee Lagu Hayo Dadka Xanuunada Dhimirka Qaba

0
Monday June 09, 2014 - 22:27:11 in by salman abdi
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deeq Isugu Jirta Lacag Iyo Timir Oo Lagu Wareejiyey Xarunta SAHAN Ee Lagu Hayo Dadka Xanuunada Dhimirka Qaba

    Xalaqatul Nuur oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sucuudi Carabiya, ayaa maanta deeq lacageed iyo timir faro badan soo gaadhsiiyey xarunta lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalaqatul Nuur oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sucuudi Carabiya, ayaa maanta deeq lacageed iyo timir faro badan soo gaadhsiiyey xarunta lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa.


Munaasibaddii loo qabtay wareejinta Deeqdan, ayaa waxa ka qayb-galay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada reer Somaliland, Maamulaha Xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac iyo haween ka socday Xalaqatul Nuur Ee Jaaliyadda Sucuudi Arabiya, kuwaasi oo deeqda soo gaadhsiiyey xaruntaasi.

Munaasibadda loo qabtay wareejinta deeqdan oo dhamayd $ 1600 doollar iyo dheeraad iyo weliba saddex foosto oo Timir ah, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), waxaanu yidhi isaga oo faahfaahinaya duruufaha haysta dadka qaba xanuunada dhimirka ee ku jira ee Sahan "Jeex Timir ah oo qofku ILAAHAY dartii u bixiyo ayuu janno ku helayaa, naarna kaga nabadgelayaa, markaa waxtarku waxyar maaha, weliba bani-aadam  marka lagu tabcayo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo tusaaleynaya Muhiimadda Sadaqadda "Barigii asxaabta, nin-baa ku riyooday nin go’ ku galay janada, markaasuu yidhi ma ninbaa jano ku helay go’, ninkii ayuu la kulmay, waxaanu u sheegnay inuu ku riyooday, markaasuu ku yidhi Salaad Subax-baan soo toosay, markaasaan arkay nin xanuusanaya oo qaawan (Wakhtiguna waa dhaxan), markaasaan labadeydii go’ mid jeeni qaartay midna isagii ayaan saaray ayuu yidhi, markaa go’aa ayuu ku galay janada…”

Sheekh Aaden Siiro, oo sii hadlaya ayaa yidhi "Madaxwaynuhu maanta ayuu dareen leeyahay, intaanu halkan keenno (Xarunta sahan ee lagu daaweeyo dadka maskaxda ka buka) ayaanu halkan ka caleemo saari lahayn, waayo kuwan (dadka maskaxda ka buka) ayuu ILAAHAY masuul uga dhigay, khayrkiina halkan ayuu yaallaa, meeshana gurmad-bay u baahan tahay…waayo maalintii oo kaliya ayaa boqol foosto oo biyo ah ayaa ku baxa oo min toban kun ah (1 milyan)…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Dawladda waan u sheegay in wasaarad dhan laga dhigo oo wasiir loo sameeyo (Qaabilsan dadka xanuunada dhimirka qaba) oo barnaamij dhan loo sameeyo” ayuu yidh, Sheekhu, waxaanu u mahad-celiyey haweenka Xalqatul Nuur ee dalka Sucuudiga, isaga oo Alle uga baryey inuu miisaanka xasanaadka ugu daro.

Maamulaha Xarunta Sahan, Bashiir Maxamed Jaamac, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Sida Sheekh Aaden sheegay, Xalaqatu Nuur, waa jaaliyaddeenna Sucuudi Carabiya, gaar ahaan xaga sharqiya, marna kamay gacan madhnayn ilaa maalintii meesha la bilaabay, dhar keena, bustayaal keena, imikana waxa innagu filan waanadaa Sheekha, ILAAHAYNA miisaanka xasanaadka ha ugu daro. Dadkan aanu halkan ku hayno, waxa ku jiray afar walaalo ah iyo shan walaalo ah, oo aanu mid walba geed ka soo furnay oo waraabuhu cuni gaadhay..”

Rooda Maxamed Cali, oo ku hadlaysay Magaca Xalqatu Nuur, oo iyaduna sheegtay "Mashaariicda aanu u aragnay waa mashaariic aad noo cajab galisay, ILAAHAY-na ha naga dhigo kuwii adduunyada raad kaga taga oo la innagu xasuusto. Sanadkana kii ugu horeeyay ayuu ahaaye aanay noqon kii noogu dambeeyay, waxaanuna rejaynaynaa inaanu nimaadno annaga noo wadna mashaariic ka waaweyn” ayay tidhi.



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com