"Weligayba dushaas ayaan ka ilaashan jiray" Sheeko Gaaban

0
Tuesday June 10, 2014 - 17:34:47 in by Super Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Weligayba dushaas ayaan ka ilaashan jiray" Sheeko Gaaban

    İlwaad İyadoo yar bay raggu jeedaalin jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

İlwaad İyadoo yar bay raggu jeedaalin jireen.

Weligayba dushaas ayaan ka ilaashan jiray İlwaad İyadoo yar bay raggu jeedaalin jireen.


İndheheeda gulucda leh iyo kubabkeeda kuus-kuusan ayay kolka horeba ishu qaban ogayd.


Doob-guun markaan ahaa iyadu may qaan-gaadhin,sidaas darteed,intay koraysoba waa inaan sugaa.

Kolkay toban jirsatay waxay ku dherersatay hablihii labaatan jirka ahaa.


Galab anigoo suuqa weyn ee Burco ku socda ayaan xaafaddooda oo bilis xaawalay ku urursan yihiin hor maray;dumarka waxa ku dhex jirta İlwaad yarey oo baxar-saaf noqotay.


İntaan yaabay,ayaan xusuusta dib u celiyay xilligii İlwaad iigu dambaysay iyo goorta ay sidan u kortay;Sannad mise sannad iyo badh ka hor ayay ahayd; İlwaadoo surwaal caga-dheeraha xidhan, camankana buskud Abu-walad ah oo ay cuntay kuleh markii ay meelahan ordi jirtay.


Waxaan xusuustay hawraarta soomaaliyeed ee tidhaahda”Dumarka shaydaan baa koriya”,”oo ragga muxuu u korin waayay iyo dumarka siduu u koriyaa”? ayaa isku mar igu soo wada dhacday.


"Waar İlwaad shaydaan ma korine xaafadda ayaa dukaan lahayd oo buskidkii Abu-waladka ahaa ayay sidan ku noqtay” anigoo hoos iskula hugmaya ayaan arkay anigoo suuqii aan ku socdayba illaaway oo waddada taagan.Galabtaas waxaan ku tallamay inaan Doobnimada ka baxo.”Adigiyo İlwaad inaad guri yagleellataan ayuu shinkeed galay” ayaan idhi.


Maalmahan dambe shaadhkii weynaa ee jilbaha ii joogay waan beddelay oo funaanado iyo surwaallo cusub oo kuwa dhallinyaradu xidhato ayaan isku taagay.Guur inaan u qaashaysanahay lay fahan,taasna waxaan ku ogaaday dhawr qof baa ereyo igu soo tuurtuuray sidan u dhignaa "Waannu ku sugaynay….Goormaanu kaa tunnaa..” Galab iyo aroorba İlwaad gurigooda ayaan cagta ku badiyay oo aan u kas u hormaraa anigoo siigaynaya oo cagaha jiidaya.İlwaadoo guriga hor taagan amma iyadoo soo galaysa inaad la kulanto ayaa guriga hor maristiisa igu kalliftay.


İlwaad hooyadeed Xabiiba oo aad u ilaalin jirtay ayaan is idhi way i fahamtay ninkaygan aqalka furan ilaa gudaha qooraansanaya.
Oo maxay u fahmi weyday Xabiibi ninkan kolba aqalka hormaraya?. ”Saw aqallada lama hormaro,waddada guriga hormarta ma iyagaa leh”?.


"Dadku is edboon ayay u hormaraan aqallada ee ma sidaada oo kale ayay ilaa gudaha jalleecaan, waar xishood”.


Maalmuhu iskuma jiraane,galab iyadoo roob qaaday oo dhulka biyuhu qulqulayaan ayaan gurigoodii hormaray mise İlwaad oo biyaha iska dhawraysa ayaa hortayda soo laafyoonaysa.İsjajabinteeda iyo lugta ay kolba mid kor u qaadayso ayuu dhulku ila ruxmay.


Markay aragtay ninkan soo eegaya ayay ogaan socodkii u beddeshay iyo mooyi inay qajishay.


Saddex afar tallaabo iyadoo ii soo jirta İlwaad ayay islaan aannu qaraabo nahay jawigii beddeshay;”Waaryaa Cabdiyow maalmahan waxbaa kugu soo kordhay habaryar ayay igu salaantay.”

Labbiskaaga ayaan ka dareemay inaad guurdoon tahay” kolkay sidaas igu leedahay islaantu dhinaca kalena waxay salaamaysaa İlwaad oo na waydaaranaysa.


Waxaan markiiba xusuustay hal-ku-dhagga ah "Soomaalidu waa sunta hargaha”,bal xaggay ka timid islaantan Ceebli?Ma cirkay kasoo dhacday.”Waar tani Ceebla’na ma ahee sawtan haasaawihii dhabqisay”.


Been sheegimaayee mar baan Ceebla’ hadal deelqaaf ah ku odhan gaadhay.


Xabiiba oo İlwaad hooyadeed ah waa İslaan xariifad ah, oo malahayga reer Xamar bay ahaan jirtay,waayo İlwaad keli inay socoto way ka ilaalisay;waxay kusoo dari jirtay, Maxamed, amma İqra Yar, oo İlwaad hoos uga yaraa.


Markuu Maxamed Yare la socdo İlwaad nas bay ii ahayd inkastuu indho rageed igu qalloocin jiray, laakiin ta nafta ii keentay waa İqra yar, oo sagaal jir ah.


"Huruufka..Maxay dee..Yaad la hadlaysaa…..Ha na baran” ayay igu afrogi jirtay İqra yar markay i aragto anigoo İlwaad la hadlaya.Waa af-hayeen aan naxariis lahayn İqra yar.


"Tolaw tani markay weynaato maxay samayn doontaa ayaan is weydiiyay”


İLWAAD oo naxariista iyo debecsanaanta u dhalatay baa marmar odhan jirtay "Naa dadka waaweyn ka xishood”.Waxaan is weydiiyay miyaanay walaalo ahayn İlwaad iyo İqra?Sawta dadka walaalaha ahi dhaqanka iyo dabeecadda iskaga eekaan jireen tan yar maxaa iyada dooriyay.Dee mooyi,malaa odayga ayaa kulul.


"Sidan kuma anfacayso,İlwaadna waa la ilaalinayaa ee xal keen ninow” ayaan idhi.”Haa,tan yar ee aad abtiga u tahay ee ay dugsiga wada dhigtaan u dir,haa Sahra waa fariid;hawshaas way kasoo dhalaalaysaa, İlwaadna waa laguu keenayaa”,oo haddaa ma İqra yar baad maalinkasta caydeeda taag u haysaa”.


İlwaaddii aan u oomanaa beryahaasba dabbin ay kusoo dhacdo ayaan xidhay.Ta alle oo timaadda mooyee,İLWAAD waannu is mudanaynaa dhawaan.


Sahra yar oon abti u ahay u sheegay inaan saaxiibaddeed İlwaad, u heelanahay,iyaduna way iga aqbashay;waxay iga shaafiday inay İlwaad farta iga soo saarayso.


"İlaahay ku barakee abti Sahraay” ayaan si niyad ah ugu duceeyay.Oo maxaan ugu ducayn waayay saw culays i saarnaa igamay dejin?.
Waxaan ka fikiray sidan İlwaad ugu sheegan lahaa jacaylkayga markay Sahri ii keento.


"Armay ku diiddaa iyo armay Sahra yeeli weydaa oo hooyadeed Xabiibi gaashaanka u daruurtaa” labaduba way igu soo dhaceen.


Beryihii aan dhallinyarada ahaa ayaan xusuustay habeyn inan aannu saaxiibbo nahay igu yidhi jacaylkayga saaxiibaddeed ayaa caawa soo raacaysa ee i raac.Habeynkaas saaxiibkay inanta ii geeyay waxay ahayd markii iigu horraysay iiguna dambaysay een inan la haasaawo.


Hablihii noo yimaadde,saaxiibkay iyo jacaylkiisii goonni bay isula baxeen aniga oon weligay inan la sheekaysan iyo inantii ayaa isku soo hadhnay.


Nabdaaddo iyo isbarasho kaddib waxay si lama filaan ah iigu tidhi; "adigaa ijeclaaday saw maaha oo saaxiibkaa iisoo dirtay”.Jacayl aan jeclaado ha joogee horta weligayba ma arkay ayaa ka horraysa.Anna markay weydiintaas ileedahay waxa maankaygu dhex muquurtay sheeko nin naga weyni sannado ka hor nooga sheekeeyay oo ahayd”Dumarka lays kuma jilciyo,hadday ku yidhaahdaan ma ijecesahay” "MAYA” ku dhaha, ayuu na faray ninkaasi.Waxaan lasoo booday "MAYA walal kuma jecli”.Runtii igama ahayn diidmo aan inanta diidanahay ee waxaan xusuutay ninkaas odayga ah farriintii uu ciyaalnimadayadii na faray.İntay kor u hinqatay ayay tidhi: "DEE HADDAA İNNA KALA DHUFO”.


Halkii bay igu cidlaysay anigoo fadhiya.Laakiin İLWAAD marka lay keeno hadday i weydiiso "Ma adigaa ijeclaaday haa inaan idhaahdo waa iga diyaar”.


Soo duceeya, İLWAAD dhawaan waannu kulmaynaa,haddii ALLE İDMO.




Qalinkii,

Cabdixakiin M. Maxamuud "Marayare”
10.June.2014
Ankara,Turkey
Facebook,Abdihakin Marayare
Marayare@live.com