Miyaanay adhax jab iyo is aaminaad la'aan ahayn?

0
Tuesday June 10, 2014 - 17:47:39 in by Super Admin
  • Visits: 1113
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaanay adhax jab iyo is aaminaad la'aan ahayn?

    Inta hayb haybta iyo habar habartu ina midaynayso ee aanu ina midaynayn mab'da iyo midawga fikirku guuli waa weli!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta hayb haybta iyo habar habartu ina midaynayso ee aanu ina midaynayn mab'da iyo midawga fikirku guuli waa weli!


Ummadaha adduunka waxa mideeya mab’da fikir, dadkayga maxaa ku mideeyay haybta qabiil ee aan qiimaha lahayn. Maxaynu ula qufacayna ee aynu ula xumadoonayna marka mid reer hebeli ku guul daraysto siyasada. Adoo og inaanu inanka haybtiinu ummada aanu hogaamin karayn oo aanu irbad dhuub gelinayn? maxaad u jibaysantahay ee aad la taahaysa ma aanu anagu muuqano oo reer hebel caynaanka ha qabteenba mise waa hal-door hallo xulo ummada samata bixiya oo jidka horumarka ragaaday inga duwa? Weli maynu bislaan, weli maynu xaqiiqsan runta, weli maynu ilbixin, weli aqoonti inaguma duxin, weli iskaashiga iyo midawgu inooma dhadhamin, weli ardaagibaynu ku kala oodanahay.

Haybta qudhunka ah ee qabiilku waata qayrkeeen inaga reebtay ee inaga hortaagan horumarka dunidu gaadhay, dub u socodkana inaga dhigtay. Reerkasta wuu shiraya wuxuu ka shirayaa afar qodob oo macruufa, reerkenu mansabyada siyaasada waa laga qadiyee xaqeena aynu doonano. Hadii aan laba kala roonan oo odayga ilaa inanka jaamiciga ah, masuulka ilaa madaxdu wada beel iyo reer dabada ku hayaan maxaynu ku midawnay ee inaga dhexeeya dadkana wada deeqaya ee loo simanyahay.

Maxaynu u hafraynaa asxaabta qaranka ee aynu midabka iyo magaca quruxda badan ugula baxayna? Maxaynu xeerka iyo barnaamijka cuduun ugu nabnabayna? Maxaynu dunida u nidhaa waxaanu nahay dimuqraadi? Halkee aynu ka silanay saw jaawabtu maaha qabiil iyo reero reero, haa waa sidaa. Hadaa maxa inaga dhexeeya reer waliba muu mid cumaamdo oo kalidii noolado? Reerna keli is bixinmaayo!

Xisbibaa khilaaf soo dhexgalayaa oo shuruuc iyo hunguri siyaasi isku maandhafaya dhamaanteena waynu wada gadoodayna, waa markayagii waa anaga, anagaa lahayn oo dhisnay xisbiga, anagaa aasaasnay. Side wax yihiin sawtana marka codka la raadinaayo bari ilaa galbeed waqooyi ilaa koonfur lays cayntaarinaayo ee ololaha waxb kama jiraanka ah laylsa daba socdo. Ma reerba xisbi soo saara oo codkiisa ku keeni kara madaxtooyada? May ma soo saari karo taasi waa been, hadaa maxaynu isu wada haysana ee aynu u wada leenahay xisbigan reer hebelba ku isman, maanay ayaandaro iyo aragti la’aan ahayn. Miyaanay adhax jab iyo is aaminaad la’aan ahayn? Miyaanay hafar xisbi iyo huf iyo been ahayn?

Marmaaha oo laba maaha oo saddex maaha inta khilaaf cakiran xisbi qaran soo kala dhexgalay, isu taanasul iyo is qiimaynta ma naqaan midkasta waa hadaan cuniwaayay maan ciideeyo, shuruucda xisbiyada dub ha loogu noqdo oo xisbiyada ragggu ku ismanyihiin hala saxo ilay sidani waa ceebe, inti Somaliland jirtay hogaan xisbi oo si dumuqraadiya xisbi u wareejiyay maynu arag, haduu guulaysto inuu sii daayo haba sheegin, haduu guul daraystana haba ka yaabin waa aniga, ma isagaa ugu caqli badan dadk axisbiga ku midoobay hogaankan aan laga furfuri karayni, may sidaa mahaa ee waa weel nin samysto uu wax ku doonayo!
Xisbiyada waxaynu filaynay inaynu qabyaaladda ina naafaysay kaga nasan doono, oo aynu kaga gudubno nidaamka beelo beelaha, wayse kasii darto hadaaba laynoo yaaba kolhadii reer hebelba xisbi samaysteeen oo ay muuqato inaynu ku doonayan inay madaxtooyada ku galaan. Mab’da ma jiro barnaamij ma jiro waa wada reer hebel iyo hoos isula xanshaashaq. Allaw sahal amuuraha!

Waxaynu u baahanahay asxaab furan oo dumuqraadiya, dadkuna wada leeyahay oo loo simanyahay lagana dhex tartami karo cidna aan u xidhnayn, bulshadan waxa laga doonaya inay asxaabta baal sitaagan oo ay ku taageeraan mab’da iyo barnaamij siyaasadeedkodu siduu u kala cudoonyahay danta dalkuna uga muqato, macno male hadaad doorato adeerka oo hrora ummadana aan jihayn karayn. Hadii xisbiga uu gadhwadeenka ka yahay hogaamiayaha aad isku haybta tihiin calankiisa jeebkaga iyo gurigaaga laga helo oo aad ku raacdo reernimo se aanad qiimayn muxuu dadka iyo dalka u qabanay eed ku cugato waa haybtayada sow aaya la’aan mahaa?

Hogaanka asxaabtana waxaan usoo jeedin lahaa dadku biriish lagu gaadho madaxtooyada maaha ee waxay mudan yihiin xaqdhawr iyo maamuus, codka xisbigu kusoo baxayo ee la siiyana reerkiina oo qudhi ma bixin ee reer Somaliland oodhan ayaa bixiyay, markaad tallada ku gulaysato ama lagaa guulaysto masuuliy
inti kulasoo halgamay cidii damac kaga jiro hogaaminta xisbiga iyo qaranka ku wareejo oo haku dhegin hana baabiin xisbiga, ilay sannad kasta aasi kari mayno xisbi ummada maal iyo muruq ka galay.

Illahaw hogaan toosan, horumar nawada gaadha, himilo hirgasha iyo hanaan dawladeed oo loo simanyahay nagu galad. Guul iyo gobonimo Somaliland.



Maxamed Sadiiq Dhamme
Msadiiq@hotmail.com



***************************************************************************************************************

Shebekedda Afkashacabka.com masuul kama aha Aragtida iyo fikirka xorta ee qofka, balse waxa keliya ay dhiirigelinaysa is dhaafsiga aragtida iyo talo wadaaga bulshada, qoraaga ayaana qormadiisa xushmadeeda iyo xilkeedaba leh