Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo la siiyay waqti dheeri ah

0
Tuesday July 20, 2021 - 13:33:43 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo la siiyay waqti dheeri ah

    Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo la siiyay waqti dheeri ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo la siiyay waqti dheeri ah Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay u kordhisay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka muddo 18 bilood ah, laga bilaabo Sebtember 18, 2021, illaa Maarso 17, 2023.

Dib u cusboonaysiintan ayaa u oggolaan doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u degganaa Mareykanka tan iyo July 19, 2021 inay soo gudbiyaan codsiyadoodii hore.

Go'aanka loogu kordhiyay muwaaddiniinta Soomaaliyeed ayaa loo aaneeyay sababo la xiriira xaaladdaha amni ee Soomaaliya ay ku sugan tahay, arrimaha binu'aadinimada iyo cudurka COVID-19.

Soomaali badan ayaa sharci la’aan ku jooga dalka Maraykanka, kuwaas oo qeyb kamid ah xilligii madaxweyne Trump dib loogusoo celiyay Soomaaliya.

Go’aankan cusub waxaa ka faa’idaysandoonaa illaa 100 Soomaali ah oo aan haysan sharciyada Maraykanka, kuwaas oo markii hore Maraykanka ku galay si qarsoodi ah.