War deg deg ah: Dhimasho Dhaawac ayaa ka dhashay Shil baabuur oo goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Yiroobe iyo Beer dhexdooda

0
Tuesday February 18, 2014 - 22:06:17 in by London Office
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah: Dhimasho Dhaawac ayaa ka dhashay Shil baabuur oo goordhaweyd ka dhacay Deegaanka Yiroobe iyo Beer dhexdooda

    shil gaadhi aya ka dhacay jidka u dhaxeeya beer iyo yiroowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

shil gaadhi aya ka dhacay jidka u dhaxeeya beer iyo yiroowe
Burco (Afkashacabka) Inaa lilaahi waa Inaa ilayhi raajucuun waxaa goor dhaweyd oo shil gaadhi oo aad u naxdin badani ka dhacay Duleedka Magaalada Yiroowe , waxaana nusuulka foorarka Deegaanka yiroobe ee dhanka beer ku dhacay gaadhi nooca loo yaqaan shanboo xayraan kaasi oo casarkii gaabnaa ka baxay gudaha magaalada burco islamarkaana ku jahaysnaa Deegaanka Naq-dhamiijo halkaasi oo uu fadhigiisu ahaa.

Shilkan gaadhi ee aadka u naxdinta badan waxaa ku geeriyooday ilaa hada sida ay xaqiijyeen maasuuliyiinta gobolka toghdreer 4-ruux sidoo kale tirada dhaawaca ayaa maraysa 14-ruux iyadoo goor dhaweyd dhimashada iyo dhaawaca lasoo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada burco halkaasi oo maydkii lagu riday talaagadaha halka dhaawiciina lagu tacaalaayo gar-gaarka deg degaa.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Maxamuud Yusuusf Ubaxle Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Taliyaha qeybta booliska gobolka togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi Ducaale ayaa markiiba gaadhay goobta uu shilku ka dhacay masuuliyiintan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu shilkani yahay mid aad u naxdin badan islamar ahaantaan waxay tacsi tiiranyo leh u direen dhamaan qowski iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaasi geeriyooday halka ay kuwa dhaawacaana ilaahay uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi Dubad oo ay saxaafada qaarkeed wax ka weydiiyeen shilkan gaadhi ayaa xaqiijiyey dhimashada 4-ruux iyo dhaawaca 14 -qof oo hada lagu hayo cisbitaalka burco, taliyaha ayaa ka dhawaajiyey inay allaabtii gaadhiga ku wareejiyeen baabuur kale sidoo ay kale ay gaadhiga gaadh ka ahayan ciimado boolis ah.

Si kasta ha ahaatee shilalka gaadiidka ayaa beryihii ugu danbeeyey si weyn usoo badanaayey waxaana shilkan caawa dhacay uu noqonayaa mid aad u naxdin badan uuna ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Afkashacabka.com
Burco/Somaliland