Koobka Addunka oo ka Bilaabmaya Brazil iyo Xulka loo saadilanayo inu qaado Koobkaas

0
Wednesday June 11, 2014 - 15:28:43 in by Burco Office
  • Visits: 1395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Addunka oo ka Bilaabmaya Brazil iyo Xulka loo saadilanayo inu qaado Koobkaas

    Qaranka u sharaxan koobka adduunka inuu qaado ayaan laasaadaalin karin, balse saadaasha guud ee qaramada usharaxan inay hantaan ayaa kusoo koobmaaya xeedho yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranka u sharaxan koobka adduunka inuu qaado ayaan laasaadaalin karin, balse saadaasha guud ee qaramada usharaxan inay hantaan ayaa kusoo koobmaaya xeedho yar

 marka lafiiriyo kala awood badnaashiyaha muuqda ee u dhexeeya 32ka xul ee ka qeyb qaadanaya koobka adduunka Brazil oo labo maalmood kadib kafurmi doona dalkaas.

Brazil oo ah wadanka qabanaaya, Spain oo ah wadanka koobka heystaaa, Argentina iyo Germany ayaa ah qaramada ay uciyaaraan ciyaaryahanada ugu badan ee heerka caalami ah, Italy, Portugal, England iyo France ayaa safka labaad soo gali karo marka lasaadaalinaayo koobka adduunka, xulal ay kamid yihiin Belgium, Holland, Chile, Columbia, iyo Ivory Cost ay kedis noqon karaan mar walbo.

Labada Diiq: Spain iyo Brazil.

Brazil Vs Spain, waxey aheyd kulankii Final ka koobkii qaaradaha ee sanadkii 2013, mana ahan mid lafogeesan karo in labadaan xul ay isugusoo haraan Finalka kadhici doono garoonka Maracana, labadaan wadan ayaa ah labada awood ee kadhex muuqdo wadamada kaqeyb qaadanayo KA.

Labada wadan ayaa dhaqso is arki karo haddi uu midkood La Funa Roja amaSelecao uu kuguuldareesto inuu kaalinta koowaad ee Group yada kusoo baxo, iyadoo qarankii kusoo baxo kaalinta koowaad ee Group A oo ay kujiraan (Brazil, Croatia, Cameroon, iyo Mexico) iyo Group B oo ay kujiraan (Spain, Holland, Chile iyo Australia) ay isku arki doona wareegyada

Seddexleydii Brazil ay kudhufatay Spain ayaaSelecao kadhigeeso wadan awood leh, walow uusan kutiirsaneen qaab ciyaareedkii quruxda badnaa uu ciyaari jiray hadana Brazil ayaa miciyo uleh inuu qaniino xul walbo ay iskusoo aadaan, iyadoo lafiirinaayo qaab ciyaareedka iyo xaalada goonida uu kulan walbo wato.

Argentina Iyo Howsha Weyn Ee Sugeyso Messi:

Waxaa macquul noqoneen in ladhayalsado Argentina oo uu hogaaminaayo Messi, laacibkaan oo afar sano ku guuleestay laacibtinimada adduunka ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa Barcelona udhaliyey 43 gool, 49 kulan uu saftay, Argentina ayaa heysato xiddigo kale oo weerarka ah oo aan larumeesan karin, sidaas ayeyna kuhelayaa fursad aan yareesan oo ay kuqaadi karaan koobka adduunka ee Brazil.

Dhanka kale waxaa jiro wadamo aan laga saari karin tartankaan,Manchavt ayaa kudulmeerasaneesay koobkaan, iyadoo Semi Final timaaday 2006, iyo 2010, sidoo kale waxaan laga saari karin Azzuri oo kudheereeyo sida loomaamulo kulamada waaweyn.

Wadamada kale ee gadaal ka imaan karo waxaa kamid ah Belgium oo kuhubeesan da’yar lugaha kawaalan, France oo wadato xiddigo heersare ah, Portugal oo laacibiintooda dhan ku kalsoon Cristiano Ronaldo, iyo Netherland oo wadato macalin khabiir ah.

Qaarada maariinka ayaan sanadkaan lasahalsan karin Ghana oo kutumatay Masar, iyo Cameroon uu kabtan kayahay Samuel Etto, iyo Ivory Cost oo wadato xiddigo ka kacsan qaarada yurub uu ugu horeeyo Dedier Drogba, Wilfried Bony, iyo Yaya Tourey, hadaba la arki doono sida la isugu awood sheegto.





Afkashacabka.com / Sports

Contact@afkashacabka.com