Xidhiidhka Kubada Cagta Wadanka Ingiriiska Oo Baadhaya Eedaymo Loo Jeediyey Kooxda Watford

0
Wednesday October 26, 2016 - 09:26:05 in by salman abdi
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Kubada Cagta Wadanka Ingiriiska Oo Baadhaya Eedaymo Loo Jeediyey Kooxda Watford

    Xiriirka kubadda cagta ee Britain ayaa wuxuu baarayaa kooxda Watford kaddib markii lagu eedeeyay inay gudbiyeen akhbaard been ah oo dhaqaale ku saabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubadda cagta ee Britain ayaa wuxuu baarayaa kooxda Watford kaddib markii lagu eedeeyay inay gudbiyeen akhbaard been ah oo dhaqaale ku saabsan.


Wargeyska the Telegraph waxaa lagu daabacay warqad bangi oo been abuur ah oo la gudbiyay markii Gino Pozzo uu noqday milkiilaha kooxda sanadihii 2014 iyo15-kii.

Watford xilli cayaareedkaasi waxay ku guuleysatay xayeysiinta Premier League-ga, balse haddii lagu helo eedahan waxay wajahayaan in dhibco laga jaro ama la ganaaxo.

Kooxda Watford ayaa waxay u sheegtay wargeyska Telegraph inay bilowday baaritaan gudaha ah.

Afhayeen u hadlay xiriirka EFL wuxuu xaqiijiyay inay eedahan si dhab ah u qaadanayaan ayna kooxda la xiriireen.

Wuxuu intaasi ku daray in Watford la weydiiyay inay faafaahin sax ah ka bixiso eedaha loo jeediyay.

 

Wargeyska wuxuu tilmaamay in Pozzo shaqsi ahaantiisa aysan cadeyn inuu ka war hayay arrinta iyo in kale.